“Carlo Ancelotti ‘BEEN’ Ayuu Ii Sheegay, Waxa Uu Ii Ballan-qaaday Igu Guubaabiyey Inaan Kooxdiisa Kusoo Biiro, Kaddibna…”

Carlo Ancelotti ayaa lagu eedeeyey inuu been kusoo xero-geliyey ciyaartoy kaddibna uu kaydka u diray, xidhiidhkana u jaray.

Weeraryahanka reer Norway ee Josh King ayaa ku eedeeyey tababaraha Talyaaniga ah ee Joshua King, in uu ku guubaabiyey inuu kusoo biiro kooxdiisii hore ee Everton oo uu si xor ah ugu yimid, isagoo u ballan-qaaday bishii February inuu ciyaarsiinayo, isla markaana heshiis waqti gaaban ah ka saxeexay bishii February.

Ancelotti 3

Laacibkan ayaa ka yimid Bournemouth waxaanu ku biiray Everton, laakiin waxa kaliya lagu soo bilaabay hal ciyaar iyadoo 10 kalena uu beddel kusoo galay.

Josh King ayaa eedaymo u jeediyey tababare Ancelotti oo dhowaan ka tegay Everton, kulan laabtay Real Madrid, waxaanu tilmaamay inuu been u sheegay, markii uu heshiiska saxeexay kaddibna aanu xidhiidhba la samaynin.

Laacibkan oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Haa, waxa aan rumaysanahay in Ancelotti uu been ii sheegay, laakiin kama qoomamoonayo inaan tegay halkaas.

“Kubadda cagta kuma jiraan dad badan oo daacad ah, marka laga reebo ciyaartoyda. Markii aan tegay kooxda, wax xidhiidh ah maanaan yeelanin Ancelotti.”

Josh King oo 53 u dhaliyey Bournemouth 48 kulan oo uu u saftay, waxa uu rumaysnaa inuu fursad fiican ka helayo Everton iyadoo uu ku kalsoonaa ballan-qaadkii Carlo Ancelotti, laakiin waxa uu waqtigiisii soo dhamaaday isagoo tirsanaya calool-xumo uu u hayo tababaraha Talyaaniga ah.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*