Bruno Fernandes Iyo Ole Gunnar Solskjaer Oo Isku Dhacay Xalay – Ma Run Baa In Tababaruhu Luminayo Kalsoonida Qolka Lebbiska?

Bruno Fernandes iyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa isku dhacay intii ay socotay ciyaartii Manchester United ay sida dirqiga ah kaga badisay Brighton oo ay ku qaabbishay garoonka Wembley.

Red Devils ayaa lagala hormaray gool, waxayse waqti dambe keentay laba gool iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta, afar dhibcoodna ka  horreysa Leicester City oo kusoo xigta.

Qaybtii hore ayay Manchester United si aad ah u kala daadsanayd, waxayse soo noolaatay markii laga soo noqday nasashada iyagoo helay qaab ciyaareed aad uga beddelan midkii hore.

Xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa isagoo garoonka ku jira isku dayay in uu la hadlo tababaraha oo uu u tilmaamo meelaha ay kooxdu ka liidatay, si uu u saxo, laakiin taasi ma noqonin mid horseedda wanaag.

Sida uu qoray wargeyska MEN ee kasoo baxa magaalada Manchester, Fernandes ayaa waxyar ka hor intii aan loo bixin nasashada waxa uu tababarihiisa u sheegay waxa kooxda ka qaldan, iyadoo waqtigaas uu Ole Gunnar Solskjaer ku qaylinayay Luke Shaw.

Tababaraha ayaa ka xumaaday qaabka uu Fernandes ula hadlay, waxaana uu muujiyey dareen cadho leh, laakiin si cad uguma jawaabin xiddigihiisan isagoo taas beddelkeedana Shaw kula dhacay cadhada.

Si kastaba, Ole Gunnar Solskjaer oo ciyaarta kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxdiisu ay liidatay qaybta hore, laakiin ay haddana bilowgiiba dhalin karayeen goolal, halka qaybtii dambena uu tilmaamay mid wanaagsanayd oo ay goolal heleen, ciyaartoyduna dhaqdhaqaaq fiican samaynayeen.

Wargeyska MEN waxa kale oo uu sheegay in waqtigii nasashada ee qolka lebbiska uu tababare Solskjaer canaan kala daalay Fernandes oo isaguna si adag uga hor yimid tababarihiisa.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*