Brazil Oo Dhaawac U Geysatay Qorshihii Arsenal Ee Xilli Ciyaareedka Cusub

Mikel Arteta ayaan ku farxi doonin waxa ku dhacay kooxdiisa xilli ay isku diyaarinayaan bilowga xilli ciyaareedka cusub, kaas oo uu doonayay inuu ku bilowdo qaab uu kaga soo kaban karayo waji-gabaxii gaadhay xilli ciyaareedkii hore oo ay tartamada Yurub ka maqnaadeen markii u horreysay tan iyo 1996kii.

Tababaraha xulka Brazil, Andre Jardine ayaa soo xushay ciyaartoyda dalkiisa uga qayb-gelaysa ciyaaraha olambikada, waxaanu ku darsaday labada ciyaartoy ee Arsenal ee Gabriel Martinelli iyo Gabriel Magalhaes, kuwaas oo seegi doona kulamada ugu horreeya xilli ciyaareedka horyaalka Premier League.

Arsenal

Andre Jardine ayaa lasoo baxay 22 ciyaartoy oo uu ula safrayo waddanka Japan kaddib markii ay FIFA mamnuucday in tababareyaashu xulan karaan 18 laacib. Laakiin kooxaha ayaa leh awood ay ciyaartoydooda kaga hor-joogsan karaan in ay tagaan ciyaaraha olombikada maadaama aanu ka mid ahayn tartamada ay maamusho FIFA.

Qaar ka mid ah ciyaartoydii uu markii hore Andre Jardine soo xushay ayay kooxahoodu diideen in ay fasaxaan, waxaanu ku qasbanaaday in uu isbeddel sameeyo, isagoo u yeedhay Gabriel Magalhaes iyo Gabriel Martinelli.

Ciyaartoyda Brazil ee ka qayb-gelaya Olombikada ee liiska cusub ku jira ayaa waxa kale oo ka mid ah Richarlison oo Everton afka hore uga ciyaara, haddana ka qayb-gelaya tartanka Copa America, Douglas Augusto oo PAOK u ciyaara, Pedro, Gerson iyo Malcom.

Waxa kale oo Brazil ay u yeedhay laacibka da’da yar ee Real Madrid ay amaahda ugu dirtay Borussia Dortmund ee Reinier oo lagu naanayso ‘Kaka-ha cusub”.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*