Bilyaneerka Reer Sweden Ee Daniel Ek Oo Mar Kale Dalab Ka Gudbinaya Arsenal & Qiimaha Uu Ku Iibsanayo

Bilyaneerka reer Sweden ee Daniel Ek ayaa mar kale isku diyaarinaya in uu dalab ka gudbiyo kooxda kubadda cagta Arsenal oo uu doonayo in uu iibsado, waxaanu sare u qaaday lacagtii uu markii hore usoo bandhigay mulkiileyaasha kooxdaas.

Daniel Ek oo taageere weyn u ah Arsenal, ayaa bishii hore ka dalbaday Kroenke in uu ka iibiyo kooxda xilli ay jamaahiirta Gunners wadaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan mulkiilaha Maraykanka ah.

Daniel Ek ayaa waqtigaas waxa uu Kroenke usoo bandhigay lacag dhan £1.8 bilyan oo Gini oo uu doonayo inuu ku iibsado Arsenal, laakiin waxa laga diiday dalabkaas oo ay taageereyeen ciyaartoydii hore ee waaweynayd ee Arsenal.

Patrick Vieira, Thierry Henry, Dennis Bergkamp iyo xiddigihii kale ee waaweynaa ee Arsenal u qaaday horyaalladii ugu dambeeyey ee Premier League 18 sannadood ka hor ayaa la saftay Daniel Ek iyagoo si la mid ah taageereyaasha ka dalbanayey Kroenke inuu iska fasaxo kooxda oo uu lacagtiisa qaato.

Laakiin Kroenke ayaa isaguna u sheegay Ek iyo ciyaartoydanba ‘in aanay u baahnayn lacag’, taas oo xoogaa demisay hadal-haynta arrintan.

Si kastaba, warbaahinta Ingiriiska ayaa kusoo warramaysa in Daniel Ek uu mar kale dalab uu lacagtana kordhiyey hor-dhigayo Kroenke si looga iibiyo Arsenal oo illaa yaraantiisii uu taageeri jiray.

Maalqabeenkan da’da yar ee iska leh App-ka Spotify ayaa mar kale soo bandhigay xiisaha uu u qabo kooxdan, waxaana uu miiska u saaray Kroenke lacag dhan £2 bilyan oo Gini, taas oo uu filayo in jawaab uu ka heli doono.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*