Bayern Munich Oo Heshiis La Gaadhay Tababaraha Dunida Oo Dhan Raadinayso Ee Julian Nagelsmann

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa heshiis shaqsi ah la gashay tababaraha da’dayar ee Julian Nagelsmann, kaas oo ay kooxdiisa RB Leipzig dalbanayso in lacag rikoodh jabis ah oo qandaraaskiisa lagu burburinayo.

Bayern Munich ayaa Axaddii xidhiidh la samaysay kooxda horyaalka Bundesliga kula xafiiltamaysa ee RB Leipzig iyadoo ka doonaysa tababaraha 33 jirka ah ee Julian Nagelsmann, laakiin waxa lagu xidhay lacag dhan €25 milyan oo Euro oo ay tahay in ay bixiso si ay u hesho tababarahan.

Warbaahinta waddanka Jarmalka ayaa xaqiijisay in heshiiska Bayern Munich iyo Julian Nagelsmann uu ka dhamaystiran yahay dhinacooda, laakiin ay kaliya sugayaan in RB Leipzig ay wada-xaajoodka soo fadhiisato oo ay labada naadi ka heshiiyaan Munich lagu xidhay.

Nagelsmann oo lala xidhiidhinayay Tottenham oo toddobaad ka hor shaqada ka caydhisay Jose Mourinho, isla markaana si ku-meelgaadh ah loogu sii dhiibay Ryan Mason, ayaa uu meesha ka saarayaa warkan cusub ee tibaaxaya in Munich ay soo gashay meesha.

Julian Nagelsmann oo ku dhashay Landsberg am Lech oo saacad looga socdo galbeedka magaalada Munich, dhowaanna halkaas ka dhistay guri ayaa la sheegay in uu doonayo in uu sii joogo waddankiisa iyo magaalada uu yaraantiisa kusoo koray oo uu ka ag-dhowaado.

Naanays loo bixiyey dhowaan ayaa waxay ahayd ‘Baby Mourinho’ oo ah ‘Mourinho oo yar’, ayaa waxa uu beddelayaa Hansi Flick oo dhowaan shaaciyey in uu xagaaga soo socda ka tegayo Bayern Munich iyadoo aan wali la gaadhin dhamaadka heshiiskiisa.

Sababta Hansi Flick uu Bayern Munich uga tegayo ayaa la sheegay in ay tahay khilaaf u dhexeeya Hasan Salihamidzic oo ah agaasimaha ciyaaraha ee kooxda.

Flick ayaa lala xidhiidhinayaa xulka qaranka Germany oo uu beddeli doono Joachim Low oo ka tegi doona marka uu soo dhamaado tartanka Euro 2020 ee xagaagan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*