Bayern Munich Oo Ku Tumatay Barcelona, Kiev Oo Ilbidhiqsigii Guusha Loo Diiday Iyo Natiijooyinka Kulamadii Champions League

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa karbaashtay Barcelona oo ay ugu tagtay Camp Nou, waxaanay usoo xambaarisay guul-darro u xaqiijisay sida ay ugu jabeen xiddigihii waaweynaa ee ka tegay ee Lionel Messi iyo Antoine Griezmann.

Bayern

Labadan kooxood oo markii iskugu dambaysay ay Bayern Munich ku badisay 8-2 isku-darka labadii lugood sannadkii 2019, ayaa waxa la filayay in Barcelona ay ugu yaraan isku daydo inay ka badbaaddo guul-darro, hase yeeshee waxa garoonkeeda loogu xambaariyey khasaare kale oo weyn.

Bayern Munich ayaa muujisay sida ay uga awood badan tahay Barcelona qaybtii hore, kaddib daqiiqado ay Barca kubbadda si fiican iskugu dhiibaysay oo ay rajo gelisay taageereyaasheeda.

Thomas Muller ayaa daqiiqaddii 34aad waxa uu Bayern Munich u dhaliyey goolka koowaad isagoo dhamaystiray in ku dhow 20 baas oo ay Bavaria isku dhiibtay, waxaana uu masaafo fog ka toogtay goolka goolka oo uu shabaqa ku hubsaday, sidaas ayaanay goolka koowaad ugu dabbaal-degtay kooxda martidu.

Qaybtii dambe ayay Bayern Munich kala daadisay Barcelona iyadoo xataa ka ilaalisay inay kubadda si fiican iskugu dhiibaan, waxaana goolka labaad ugu daray Robert Lewandowski oo kubbad uu Jamal Musiala birta kasoo jaray ku celiyey goolka oo madhan.

Bayer

Goolka saddexaad ee Bayern Munich oo aad u qurux badnaa waxa si xarrago leh difaacyada dhulka ula sii dhacay Robert Lewandowski oo xilli ay ciyaartu sii dhamaanaysay lugta bidix u adeegsaday inuu hoggaanka ugu sii dheereeyo kooxdiisa, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-0.

Munich ayaa heshay fursado kale oo dahabi ahaa oo bahdili karayay Barcelona, hase yeeshee nasiibka  ayaa ka  joojiyey.

Dhinaca kale, Dynamo Kiev iyo FC Porto oo group-ka E kula jira Bayern Munich iyo Barcelona ayaa barbarro goolal la’aan ah ku dhamaystay, iyadoo daqiiqadihii ugu dambeeyeyna gool laga diiday Kiev.

Bayern ayaa hoggaanka  u haysa Group E oo haysata saddex dhibcood iyo saddex gool oo nadiif ah, halka Dynamo Kiev iyo Porto ay labaad iyo saddexaad fadhiyaan, waxaana ugu hoosaysa Barcelona oo aan wax dhibco ah lahayn, saddex goolna lagu leeyahay.

Natiijooyinka kulamadii kale ee Champions League

Villarreal 2-2 Atalanta

Lille 0-0 Wolves

Sevilla 1-1 RB Salzburg

Young Boys 2-1 Manchester United

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*