Barcelona, Real Madrid, PSG Mise Chelsea? Kooxda Hoggaanka U Haysa Tartanka Saxeexa Sergio Aguero Oo La Shaaciyay

Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa lagu soo warramayaa inay ka go’antahay inuu kasii ciyaaro horyaalka Premier League isla markaana ay kooxda Chelsea tahay mida hoggaanka u haysa saxeexiisa.

Gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Man City ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan iskaga tagaya Etihad Stadium kaddib mudo tobban sano ah oo uu si hagar la’aan ah ugu soo shaqaynayay.

Sergio Agüero weeks from playing again as he recovers from Covid-19 | Manchester City | The Guardian

City ayaa si rasmi ah u shaacisay Isniintii inay halyeeynimada kooxdooda ee Aguero ku calaamadin doonaan taalo ay uga dhisayaan banaanka garoonka.

Laakiin inuu ka tagayo City macnaheedu maaha inuu ka tagayo England oo dhan, Aguero ayaa heli doona dalabaad uga imanaya Yurub oo dhan iyo kooxo ay kamid yihiin Real Madrid, Barcelona iyo Paris Saint-Germain balse 32 sano jirkaas ayuu rabitaankiisu yahay inuu sii joogo England.

Chelsea ayaa doonaysay saxeexa Aguero sanadkii 2011 markii uu Atletico Madrid u ciyaarayay haddana waa mid kamida kooxaha kooban ee bixin kara mushaharka 13-ka Milyan ee pound ka badan sanadkii ee uu doonayo, kooxaha kale ee bixin kara lacagtaas sida Liverpool iyo Man United ayaan ku jirin doonistiisa.

Aguero ayaan marnaba xidhiidhka fiican ee uu la leeyahay jamaahiirta kooxdiisa ku bur-burin doonin inuu Man United u wareego halka ay Liverpool muhiimada koowaad siinayso suuqa xagaaga saxeexa daafac dhexe.

Chelsea ayaa doonaysa saxeexa weeraryahan cusub oo xoojin ah maadaama oo Timo Werner oo ay xagaagii hore lasoo wareegtay uu noqday mid ku dhibtoonaya qaab ciyaareed joogto ah.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*