Barcelona Oo Si Dhaw U Daawatay Kulankii Real Madrid vs Liverpool & Qorshe Ay Lahayd Oo Ay Ka Laaban Karto

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay qish ka qaadan karto kulankii habeen hore dhex maray kooxaha Liverpool iyo Real Madrid maadaama oo ay xiiso u qabto saxeexa khadka dhexe ee Reds ee Georginio Wijnaldum.

30 sano jirkaas ayuu heshiiskiisa Anfield yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana ay u muuqataa mid hubaal ah inuu kooxdaas iskaga tagayo.

Image

Waxa jiray warar hore usoo baxay oo tibaaxayay in xiddiga Dutch-ka ahi uu heshiis hordhac ah lasii meel dhigay madaxweynaha cusub ee Barcelona ee Joan Laporta oo uu Camp Nou ka degi doono bisha June marka uu xor noqdo.

Xaqiiqada ah inuu Gini Wijnaldum qayb ka ahaa kooxdii Liverpool ee habeen hore qaabka niyad jabka leh guuldarrada 3-1 ka ah ugala kulantay Real Madrid ayaa ka dhigi karta Real Madrid mid mar labaad fikirta.

Wijnaldum ayaa kaddib wararka mudada dheer la xidhiidhinayay Barcelona haystay fursad uu kooxdaas iskugu muujiyo marka uu kahor tago kooxda uu xifaaltanka ba’ani kala dhaxeeyo ee Madrid balse waxa uu kamid ahaa khad dhexe oo awoodi waayay inay wax maamul ah ku yeeshaan kulankaas.

Dhammaan fursada ay Real Madrid ku heshay kulankaas ayaa ahaa kuwo u muuqdo kuwo sahlan oo ka dhalanayay cadaadis la’aan khadka dhexe ah.

Waxa ay ahayd habeen u xun Liverpool xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Netherlands-na ma aha mid dhammaan eeda qaadaya balse bandhigiisii kulanka ayaa keeni kara in su’aalo ay is weyiiso Barcelona.

Tababare Ronald Koeman ayaa taageere weyn u ah xiddiga ay isku dhalashada yihiin sidoo kale maamulka Barcelona ayaa ku farxi doona in qaab bilaash ah lagu helayo balse miyuu xiddig xagaaga 31 sano jirsan doona u qalmaa maal-gelin iyo mushahar badan?

Wijnaldum ayaa ah ciyaaryahan tayo leh oo aan hal habeen lagu qeexi karin laakiin su;’aasha ayaa ah miyuu horumarin karaa khad dhexe oo ay marka horeba joogeen Frankie De Jong, Sergio Busquets iyo Pedri?

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*