Arsenal Oo Saxiixa Sergio Aguero Ka Afduubaneysa Barcelona & Man United Iyo Tababare Mikel Arteta Oo Ka Hadlay

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa amaan kala duldhacay Sergio Aguero ka dib markii la shaaciyay in weeraryahanka uu ka tagayo Manchester City dhamaadka xilli ciyaareedkan, halka uu ka gaabsaday inuu jawaab cad ka bixiyo haddii ay Gunners si xor ah kula soo wareegeyso weeraryahanka.

Kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League ayaa horaantii todobaadkan shaaciyay in xiddigooda ugu goolasha badan uu ka tagayo Etihad Stadium marka uu qandaraaskiisa dhaco xagaagan, iyadoo durbaba ay saf dheer u soo galeen kooxo badan.

Aguero ayaa la sheegayaa inuu si shaqsi ahaan ah xiiseynayo inuu u wareego Barcelona halkaasoo uu ka garab ciyaari karo Lionel Messi halka Man United, Chelsea iyo PSG ay iyaguna xiiseynayaan saxiixiisa.

Arsenal ayaa noqotay kooxdiisa ugu danbeysay ee isku dayday inay afduubato saxiixa 32 jirkaan kaasoo mushaharkiisa uu gaarayo 230 kun ginni isbuucii, iyadoo Arteta oo tababare ugu soo noqday weeraryahanka kooxda Man United uu qirtay inuu weli yahay gooldhaliye weyn oo halis ah.

Markii la weydiiyay haddii uu aaminsan yahay inuu Aguero weli ka ciyaari karo heerka ugu sareeya ee kubada cagta, Arteta ayaa ku jawaabay:

“Waa hubaal taas. Sergio wuxuu leeyahay tayo u gaar ah uu ku arki karo boosas aysan cid kale arki karin isagoo qaab sahlan goolal ku dhalin kara.

“Sidaasi darteed waa hubaa inuu heli doono cutubka xiga ee noloshiisa ee ku haboon.”

Markii la weydiiyay haddii uu taleefan ka wacayo Aguero islamarkaana uu doonayo inuu keeno waqooyiga London, Arteta ayaa qoslay oo ku jawaabay. “Maya. maya, Sergio waan arki doonaa waxa dhaca mustaqbalka.”

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*