Arsenal Oo Daqiiqadii 97-aad Bar-Bardhac Ka Tuugtay Fulham, Nketiah Oo Arteta Furtay & Kooxda Tababare Parker Oo Dhibco Dahabi Ah Lumisay

Kooxda Arsenal ayaa gegideeda Emirates bar-bardhac dirqi ah kula gashay kooxda heerka labaad ka ordaysa ee Fulham iyadoo Eddie Nketia oo bedel ku yimid uu noqday geesiga kulankaas ee Gunners kaddib markii uu daqiiqadii 97-aad goolka bar-bardhaca u keenay.

Image

Shaxdii Labada Kooxood Ee Kulankan

Fulham: Areola, Aina, Andersen, Tosin, Robinson, Lemina, Anguissa, Decordova-Reid, Cavaleiro, Lookman, Maja.

Keydka: Fabri, Hector, Odoi, Mitrovic, Ream, Loftus-Cheek, Reed, Bryan, Onomah.

Arsenal: Ryan, Bellerin, Holding, Gabriel, Saka, Xhaka, Ceballos, Elneny, Smith Rowe, Lacazette, Martinelli.

Keydka: Leno, Willian, Cedric, Partey, Pepe, Chambers, Mari, Nelson, Nketiah.

Faah-Faahinta Ciyaarta

Martinelli ayaa ku dhawaaday inuu daqiiqadii 2-aad ee kulankaba gool u dhaliyo Arsenal. da’yarka ree Brazil ayuu Lacazette baas uga dhex furay daafaca Fulham balse kubad uu ka dul qaaday goolhaye Areola ayaa birta midig ee goolka dhinac martay.

Arsenal ayaa qaybihii dambe ee ciyaarta oo ahayd mid fursaduhu ku yar yihiin laba gool ka heshay Ceballos iyo Martinelli balse labadaba laga diiday oo lagu sifeeyay inay ahaayeen garab dhaaf (Offside).

Daqiiqadii 55-aad ee qaybta dambe ayuu markale Bukayo Saka halis galiyay goolka Fulham, Bukayo oo garabka midig kasoo xarooday ayay kubadda uu laagay garaacday birta goolka Fulham iyada oo toos u baxday kubaddu.

GOOAL: Fulham ayaa hoggaanka kulanka la wareegtay, daafaca Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa rigoore ku galay Mario Lemina iyadoo weeraryahan Maja oo rigooraha tuuray uu jihada qaldan u diray goolhaye Ryan oo kulankan kusoo bilawday.

GOOAL MAYA MAYA!! Arsenal ayaa ku dhawaatay inay goolka iska soo gudbo, Martinelli ayaa kubad baxaysay oo uu liidka ka qabtay toos usoo karoosay balse kubadda oo uu madaxeeyay Pepe oo dhaaftay goolhaye Areola ayuu celiyay daafaca Adarabioyo.

GOOAL: Kaddib dedaalo badan oo ay samaysay, Arsenal ayaa daqiiqadii 97-aad goolka bar-bardhaca la keentay Fulham. Nketiah ayaa kubad koorne ka timid oo ay soo celiyeen xiddigaha kooxdiisa balse uu difaacay goolhaye Areola meel dhaw goolka uu furan kubadda kaga celiyay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*