Arsenal Mise Juventus? Manuel Locatelli Oo Warka U Caddeeyey Kooxaha Saxeexiisa Ku Dagaallamaya

Xiddiga Talyaaniga ah ee Manuel Locatelli oo ay ku dagaallamayaan labada kooxood ee Juventus iyo Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan gaadhay oo uu kala doortay labadan kooxood.

Arsenal ayaa dalab ka gudbisay Manuel Locatelli waxaanay rajaynaysay in ay lasoo saxeexato marka uu soo dhamaado tartanka qaramada Yurub oo uu laba gool ka dhaliyey.

Manuel Locatelli

Laakiin laba kooxood ayaa iyaguna markiiba muujiyey xiisaha ay u hayaan 23 jirkan, waana Juventus iyo Borussia Dortmund oo kula dagaallamaya Arsenal.

Kubbad-sameeyahan Sassuolo ayaa kaalintiisa ciyaaraya oo kala saaray kooxaha saxeexiisa ku hirdamaya, waxaanu doortay dalabkii uu u arkay inuu ku habboon yahay qaab ciyaareedkiisa iyo horumarka uu samayn karo.

Sida uu sheegay Alfredo Pedulla, Manuel Locatelli ayaa go’aansaday inuu sii joogo horyaalka waddanka Talyaaniga oo uu ku biiro Juventus, iyadoo uu dhabarka u jeediyey Arsenal.

Warka ayaa sheegay, in Sassuolo ay dalbanayso 40 milyan oo Gini, halka Juventus oo dhaqaale xumo ka cabanaysa ay la shir-tagtay in ay lacagtan wada ogolaato laakiin ay marba qayb bixiso illaa laga gaadhayo sannadka 2023.

Sababta ugu weyn ee Manuel Locatelli  uu u doortay Juventus ayaa la sheegay inuu doonayo inuu ka ciyaaro tartanka Champions League, shuruuddaasina reebtay Arsenal maadaama aanay qayb ka ahayn tartamada Yurub xilli ciyaareedka dambe.

Horraantii toddobaadkan, Agaasimaha Sassuolo ee Givanni Carnevali ayaa xaqiijiyey in Arsenal ay soo gaadhsiisay dalab ay ku doonayso Manuel Locatelli balse waxa hadda uu laacibkani u janjeedhsaday dhinaca Juventus.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*