“Arsenal Ayaa Hoggaaminaysa, Waa Kooxda Kaliya Ee….” – Gunners Oo Qarka U Saaran Saxeexa Xiddigii EURO Shitay

Sida uu shaaciyay madaxa fulinta kooxda Sassuolo ee Giovanni Carnevali, kooxda Premier League ka ciyaarta ee Arsenal ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay khadka dhexe ee ree Talyaani ee Manuel Locatelli oo ah xiddigaha sida weyn iskugu soo muujiyay Euro 2020.

Locatelli ayaa la filayay inuu si sahlan ugu biiri doono Juventus marka uu kasoo dhammaado tartanka qaramada Yurub balse madaxa Sassuolo ayaa sheegay inay Arsenal si dhab ah ula tartamaysa waliba iyadu ku gacan sarreyso loolanka.

Manchester City are keen to add Manuel Locatelli

Giovanni Carnevali ayaa isaga oo Sky la hadlayay yidhi “Juventus waa kooxda kaliya ee Talyaani ah ee aanu kala hadalnay Locatelli”

“Waa run inay jiraan kooxo ajaanib ah oo xiisaynayaa, waxa ku jirta Arsenal ilaa haatana iyaga ayaa ku horreeya waana kooxda kaliya ee si macquul ah dalab muhiim ah uga soo gudbisay Manuel”

“Iyagu si adag ayay u riixayaan inay la saxeexdaan Manuel waxaana ay soo gudbiyeen dalab muhiim ah, waynu arki doonaa”

“Sidoo kale Juventus ayaa doonaysa Locatelli anaguna xidhiidh khaas ah ayaanu la leenahay isaga, kulan cusub oo aanu Juve la yeelanayno ayaa la mudeeyay”

Juve ayaa la xasuustaa inay aad ugu dhawayd saxeexa 23 sano jirkaas balse Sassuolo ayaa wakhtigaas lacag 40 Milyan oo pound ah dul dhigtay.

Locatelli ayaa xilli ciyaareedkii hore 34 kulan oo horyaalka Serie A ah soo sameeyay isaga oo afar gool soo dhaliyay saddex kalena caawiye kasoo ahaa.

Locatelli1

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*