“Aniga Ayaa Rumaysan Waayey…” – Fabio Capello Oo Sharraxay Heshiiskii Qarniga Ee Roberto Carlos Ee 24ka Daqiiqadood Kusoo Dhamaaday

Fabio Capello ayaa ahaa tababaraha Real Madrid markii ay Los Blancos lasoo saxeexatay halyeyga reer Brazil ee Roberto Carlos sannadkii 1996kii, iyadoo uu waliba waqti kooban uun joogay Inter Milan.

Real Madrid ayaa nasiib u yeelatay in ay si fudud ku hesho Roberto Carlos oo ka mid ahaa difaacyadii ugu wanaagsanaa ee baasha bidix ee adduunka soo maray, hal-beegna looga dhigo laacib kasta oo halkaas ka ciyaara oo lagu tilmaamo in uu hibo leeyahay.

Roberto Carlos oo Inter Milan jooga, ayaa farxad la’aan noqday kaddib markii laga ciyaarsiiyey boos aan kiisii ahayn, iyadoo marna loo diray khadka dhexe, marna garabka weerarka.

Fabio Capello oo Real Madrid laylinayay Real Madrid waqtigaas, ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqay saxeexa Carlos, isagoo ka faa’iidaysanaya xaaladda qasan iyo deggenaansho la’aanta uu ku dareemayay San Siro Stadium.

Tababaraha Talyaaniga ayaa wax laga weydiiyey sidii ay ugu suurtogashay in uu si dhayal ah oo fudud ku helo Roberto Carlos, waxaanu yidhi: “Aniga ayaaba rumaysan kari waayey.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Giovanni Branchini ayaa ii sheegay in ay iibinayaan Roberto Carlos, waxa aan markiiba ka fikiray ‘sidee ayay Inter u iibin karaysaa Roberto Carlos?’

“Sababtoo ah ma aanan rumaysnayn (in Carlos la iibin karayo), waxay iisoo direen fax uu ku cad yahay qiimihiisa, mana ahayn mid su’aal la gelin karayo, sidaa darteed, waxa aan wacay Madaxweynaha Real Madrid ee Lorenzo Sanz, waxaanan u sheegay in uu si toos ah ugu duulo Milan. Waxa aan u sharraxay in dhamaan kooxaha Talyaanigu ay u dhaqaaqayaan (Carlos) marka ay maqlaan warkan.

“Abaaro 11kii fiidnimo, qandaraasku diyaar ayuu ahaa, wuxuu kusoo dhamaaday wax ka yar 24  daqiiqadood.”

Roberto Carlos oo carruurtiisu ay carruuro kale dhaleen, waxa hadallo kaftan ah ku tuuray Fabio Capello oo yidhi: “Haddii aanan anigu lasoo saxeen lahayn, waxa uu u buurnaan lahaa sida uu hadda yahay.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*