AKHRISO Sheekada Xiisaha Leh Ee Dhex Martay Pique & Alba Iyo Midka Shakiga Galiyay In Barcelona Copa Del Rey Hanan Karto

Daafaca bidix ee kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa shaaca ka qaaday sida uu shakiga uga qabo in kooxdu ay toddobaadka dambe gaar ahaan maalinta 17-ka bishan April ugu guuleysan karto koobka Copa Del Rey oo ay Athletic Bilbao kaga hortagayaan.

Saaxiibkiisa kooxda ee Gerard Pique oo kamid ah xiddigaha ugu magaca weyn gudaha qolka labiska Barcelona ayaa isku dayay inuu guubaabiyo xiddigaha kale kuna dhiirigeliyo inay ku guuleysan doonaan Copa Del Rey toddobaadka dambe.

ImageImage

Iyadoo ay sidaas tahay ayuu Gerard Pique helay xubin isla kooxda kamid ah oo aan si buuxda ula qabin fikirkaas waxaana uu noqday Alba oo si daacadnimo leh ugu sheegay inuusan hubin haddiiba ay Bilbao koobkaas kaga guuleysan karaan.

Waakan Wada sheekaysigii dhex maray labada daafac

Pique: Ha wer-werina, waynu guuleysan doonaa

Markale Pique: hubaal waynu ku guuleysan doonaa koobkan

Alba: Anigu ma garanayo, eh

Pique: Maxaad tidhi?

Alba: In aanan garanayn (Inaynu koobka ku guuleysan doono)

Waxa xusid mudan in Athletic Bilbao ay ahayd kooxdii kaga guuleysatay Barcelona koobka Spanish Super Cup bilooyin kahor markaas oo ay 3-2 uga qaadeen.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*