AKHRISO: Lambarka Uu Jadon Sancho U Xidhanayo Manchester United & Xiddiga Weyn Ee Looga Saarayo

Manchester United ayaa £72.6 Milyan oo Gini kula soo wareegaysa xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo Old Trafford soo gaadhi doona marka uu dhamaado tartanka qaramada Yurub ee xulkiisa uu kala qaybgelayo.

Borussia Dortmund iyo Manchester United ayaa xalay fiidkii heshiiska ka gaadhay iibka Jadon Sancho oo ugu dambayntii ay Red Devils ku guuleysanayso saxeexiisa kaddib 12 bilood oo ay ku raad-joogtay.

Sancho2

21 jirkan ayaa loo diyaariyey halka uu ku marayo tijaabada caafimaadka, kaddibna waxa uu qalinka ku duugi doonaa heshiis shan sannadood ah, iyadoo uu noqon doono ciyaartoygii labaad ee Ingiriis ah ee ugu qaalisanaa taariikhda, waxaanu ku xigayaa Harry Maguire oo £80 milyan oo Gini ay ku iibsatay Manchester United.

Manchester United ayaa Jadon Sancho u diyaarisay lambarka uu u xidhanayo oo uu hadda haysto ciyaartoy weyn oo ixtiraam ku leh Old Trafford.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegeen, Sancho ayaa xidhan doona lambarka sannadahan dambe habaarku ku dhacay ee xiddigihii loo geliyey ay dhamaantood ku fashilmeen sida Angel di Maria, Alexis Sanchez iyo Memphis Depay.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay, Jadon Sancho ayaa xidhan doona No. 7, waxaanu raaci doonaaraadka halyeeyadii waaweynaa ee Manchester United soo maray ee George Best oo sannadihii 1960meeyadii xidhnaa lambarka, Bryan Robson, Eric Cantona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo.

Lambarkan ayaa laga saari doonaa weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani oo waqtigan xidha, lamana oga lambarka loo gelin doono ruug-caddaagan oo lagu tilmaamo ciyaartoyga ugu fiicnaa ee sannadahan dambe xidhnaa No. 7.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*