AKHRISO Hadalkii Laga Qabtay Lionel Messi Xalay & Sababtii Uu U Ahaa Mid Aamusan Isaga Oo Garsooraha Ka Cadhaysan

Weeraryahanka ahna kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku qasbanaa inuu gaagaabsado oo uu qaab ixtiraam leh u dhaqmo intii uu socday kulankii ay kooxdiisu xalay guusha xilliga dambe ah ka gaadhay dhigeeda Real Valladolid oo ay 1-0 uga adkaadeen.

Valladolid ayaa xalay Camp Nou timid iyada oo si buuxda diyaar ugu ah inay kubadda ku dagaalanto waxaana ay ahaayeen kuwo aad u habaysan daafac ahaan isla markaana ku adkeeyay Barcelona ilaa uu daqiiqadii 89-aad ee kulanka gool dhaliyay Ousmane Dembele.

Arrinta cadho galisay Valladolid ayaa ahayd in ay muran ku jireen kaadhkii casaanka ahaa ee laga siiyay Oscar Plano iyo waliba goolkii Dembele oo uu garsoore hore Juan Andujar Oliver ku dooday inay labaduba qalad ahaayeen.

Mid kamida khamaarada uu kulankaas ka sameeyay tababare Ronald Koeman ayaa ahayd inuu kusoo bilaabay ciyaarta Lionel Messi iyo Frankie De Jong oo labaduba hal kaadh oo jaale ah (Huruud) u jiray inay seegaan ciyaarta toddobaadka dambe ee Real Madrid.

Taas ayaa qasabtay in De Jong iyo waliba Messi oo isagu kabtan ah masuulna ka ah arrimaha la hadalka garsooraha ay ahaayeen kuwo taxadar xad-dhaaf ah muujinayay.

Messi oo ahaa mid aan ku faraxsanayn sida uu wax u wado garsoore Santiago Jaime Latre ayaa markii uu kasii baxayay garoonka wakhtigii nasashada hadalkiisa ay qabatay kaamerada Movistar+.

Messi ayaa masuulka kooxdiisa ee Carles Naval u sheegay inuu garsooruhu doonayo inuu kaadh huruud ah isaga siiyo si uu u seego kulanka Real Madrid waxaana uu yidhi “Garsooruhu waxa uu doonayaa inuu jaale i siiyo, cajiib”

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*