AKHRISO: Arsenal Oo Doonaysa Xiddig Chelsea Ka Tirsan Balse Kooxdeeda Taageera & Shuruuda Ka Xigta Saxeexiisa

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay doonayso saxeexa weeraryahanka Chelsea ee Tammy Abraham balse shuruuda ka xigta marka hore inay la wareegaan ayaa ah inay u baahan yihiin inay ciyaaryahano iska iibiyaan.

Chelsea ayaa dhinaceeda doonaysa inay iska iibiso Abraham xilli lala xidhiidhinayo weeraryahano uu kamid yahay Erling Haaland oo ay wararka qaar sheegayaan in shalay laga soo diiday dalabkii ugu horreeyay ee ay ka gudbiyeen.

Image

23 sano jirkaas ayaa ahaa mid safafka tababare Thomas Tuchel si joogto ah uga maqan inta badan qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore isaga oo xulashada kaga dambeeyay Timo Werner iyo Kai Havertz.

Arsenal iyo tababare Mikel Arteta ayaa xiiso u qaba saxeexa Abraham balse caqabada ayaa ah inay marka hore u baahan yihiin inay ciyaaryahano iibiyaan.

Intaas waxa dheer in sidoo kale ay xiisaynayaan saxeexa da’yarka ree England kooxaha Inter Milan iyo Harry Kane gaar ahaan haddiiba ay Blues damcaan saxeexyada Harry Kane iyo Romelu Lukaku.

Abraham ayaa carruurnimadiisii ahaa taageere Arsenal ah isaga oo ku dayan jiray Theirry Henry, waxa uu aaminsan yahay inay tahay wakhtigii uu iskaga tagi lahaa Stamford Bridge haddiiba uu boos ka helayo safka xulka England ee koobka aduunka 2022.

Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay 40 Milyan oo pound ku xidhay iibka Tammy waana lacag kooxo badan xiisahooda dib u hakin karta, Gunners ayaa qaba in haddii ay iibiyaan Alexandre Lacazette ay awoodaan lacagtaas.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*