Aabaha Dhalay Erling Haaland Oo Muddo 30 Daqiiqo Ah Suuli Ama Musqul Isku Qariyay Shalay & Sababtii Ka Danbeysay

Aabaha dhalay Erling Haaland ayaa lagu waramayaa inuu muddo 30 daqiiqo ah isku qariyay suuli ama musqul isagoo isku dayaya inuu ka dhigo wadahalada Barcelona ee wiilkiisa kuwa qarsoodi ah.

Aabaha dhalay xiddiga Borussia Dortmund Alf Inge Haaland ayaa lagu arkay garoonka diyaaradaha Barcelona ee El-Prat subaxnimadii Khamiista isagoo la socda wakiilka ciyaaryahanka Mino Raiola.

Laakiin sida ay sheegtay jariirada AS, qorshuhu waxa uu ahaa inaysan saxaafada ogaanin kulanka dhexmarayay iyaga iyo madaxda Barcelona.

Qorshaha ayaa ahaa in wakiilka caanka ah Raiola inuu ka baxo garoonka islamarkaana ay kaamirooyinka oo dhan isagu raacaan si Alf-Inge uu u soo baxo iyadoo aysan cidna ka warqabin.

Laakiin qorshahaas ayaa dhicisoobay iyadoo saxaafada ay durbadiiba ogaatay in Raiola uu la socdo daaficii hore ee Manchester City, taasoo sii hurisay wararkii ku saabsanaa in wiilkiisa uu ku sii jeedo Camp Nou.

Si kastaba, Alf=Inge iyo Raiola ayaa u sii duulay Madrid iyagoo wadahadalo la mid ah midkii Barcelona la yeeshay.

Waxaa sidoo kale la sheegay inay jiraan seddex kooxood kale oo u tartamaya saxiixa xiddiga reer Norway.

Man City, Manchester United iyo Chelsea ayaa ku jira tartanka saxiixa 20 jirkaan aadka loo qiimeeyo.

Waxaa la aaminsan yahay in Borussia Dortmund ay duldhigtay xiddigeeda adduun lacageed oo gaaraya 150 milyan ginni xagaagan.

Laakiin xaagaga danbe ee sannadka 2022 qandaraaskiisa waxaa lagu burburin karaa kaliya 65 milyan ginni, waase haddii uu xilli ciyaareedka soo socda sii joogo Borussia Dortmund.

Haaland ayaa dhaliyay 33 gool 31 kulan uu u saftay Borussia Dortmund.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*