Yaa Gaadhi Kara? Xiddigihii Ku Tartamay Ballon d’Or 1998 Oo Illaa Hadda aanay Jirin Cid Tayadooda Oo Kale Leh

Muddo 15 sannadood ah waxa kubadda cagta hor-fadhiyey labada ciyaartoy ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo intii ka dambaysay 2007 oo uu Ricardo Kaka ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or iyaga uun iska  beddelayay marka laga reebo 2018 oo uu Luka Modric soo dhex-galay.

Sannad kasta, waxay ahaayeen tartameyaasha saddexda ah ee fagaaraha yimaadda, mana jirto mar ay ka maqnaayeen tan iyo 2008, waxaanay qaybsadeen 11 abaal-marinood oo Ballon d’Or ah.

1998

Messi ayaa lix haysta, Ronaldo na shan, balse mar kale ayuu haddana ugu yaraan midkood ku jiri doonaa kuwa ku tartamaya, lamana hubo inay noqon doonto sannad kale oo ay tirada sii kordhisan doonaan labadan ciyaartoy.

Haddaba qiyaas, haddii ay kusoo beegmi lahaayeen badhtamaha iyo dhamaadka 1990-meeyadii, sidee ayuu ahaan lahaa xaalka Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi? miyey awoodi lahaayeen inay ku guuleystaan Ballon d’Or muddo 11 sannadood ah?

Cahdigaas su’aashu seeska u tahay, suurtogal kama noqoteen in labadan ciyaartoy ay ku guuleysan karaan abaal-marintan sannado sidaas u badan, sababtuna waa ciyaartoyda waqtigaas joogay adduunyada ee tartamayay.

Tusaale ahaan, sannadkii 1998kii oo la ciyaarya Koobkii Adduunka, waxa abaal-marinta Ballon d’Or ku tartamay xiddigo waaweyn sida Zinedine Zidane, Suker, Ronaldo, Owen, Rivaldo, Batistuta, Bergkamp, Roberto Carlos, Del Piero iyo kuwo kale.

Sannadkan ayaa ahaa midka ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ay noqdeen tartameyaasha abaal-marinta, waxaana ka dhex-qaaday Zinedine Zidane oo shaki la’aan ahaa ciyaartoyga ugu mudan kaddib markii uu dalkiisa u qaaday Koobka Adduunka.

Halkan kaga bogo tartameyaashii Ballon d’Or ee 1998kii iyo dhibcihii ay kala heleen:

1. Zinedine Zidane, Juventus – 244 dhibcood
2. Davor Šuker, Real Madrid – 68 dhibcood
3. Ronaldo, Internazionale – 66 dhibcood
4. Michael Owen, Liverpool – 51 dhibcood
5. Rivaldo, Barcelona – 45 dhibcood

6. Gabriel Batistuta, Fiorentina – 43 dhibcood
7. Lilian Thuram, Parma – 36 dhibcood
8=. Edgar Davids, Juventus – 28 dhibcood
8=. Dennis Bergkamp, Arsenal – 28 dhibcood
10. Marcel Desailly, Chelsea – 19 dhibcood
11. Frank de Boer, Ajax – 17 dhibcood
12. Emmanuel Petit, Arsenal – 16 dhibcood
13. Roberto Carlos, Real Madrid – 13 dhibcood

14=. Laurent Blanc, Marseille – 11 dhibcood
14=. Fabien Barthez, Monaco – 11 dhibcood
16=. Alessandro Del Piero, Juventus – 10 dhibcood
16=. Predrag Mijatović, Real Madrid – 10 dhibcood
18=. Didier Deschamps, Juventus – 9 dhibcood
18=. Oliver Bierhoff, Milan – 9 dhibcood
20. Michael Laudrup, Ajax – 6 dhibcood

21=. Ronald de Boer, Ajax – 4 dhibcood
21=. Raúl, Real Madrid – 4 dhibcood
23=. Brian Laudrup, Chelsea – 3 dhibcood
23=. Clarence Seedorf, Real Madrid – 3 dhibcood
23=. Marc Overmars, Arsenal – 3 dhibcood
26=. Christian Vieri, Lazio – 2 dhibcood
26=. Fernando Hierro, Real Madrid – 2 dhibcood
28=. David Beckham, Manchester United – 1 dhibcood
28=. Luis Enrique, Barcelona – 1 dhibcood
28=. Bixente Lizarazu, Bayern Munich – 1 dhibcood
28=. Nikos Machlas, Vitesse – 1 dhibcood

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*