DEG DEG: Xulka Jarmalka Ee Ciyaaraha Olimbikada Oo Garoonka Isaga Baxay Iyadoo Ciyaarta Ay Socoto

Xulka kubada cagta Jarmalka ee ciyaaraha Olimbikada ayaa isaga baxay garoonka iyadoo ciyaar ay socoto ka dib markii la cunsuriyeeyay xiddigooda Jordan Torunarigha.

Jarmalka ayaa la ciyaarayay kulan saaxiibtinimo xulka Honduras ka hor ka qeybgalkooda ciyaaraha Olimbikada ee Tokyo 2020.

Laakiin ciyaarta ayaa la joojiyay shan daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta.

Capture 6

Sida lagu qoray bogga rasmiga ah ee Twitter ciyaarta waxay aheyd barbaro 1-1 ah markii ay ciyaartoyda ka baxeen garoonka iyagoo taageero u muujinayay saaxiibkooda la cunsuriyeeyay.

Xiddigaan ayaa la cunsuriyeeyay ka dib markii uu Felix Uduokhai uu goolka barbaraha u dhaliyay xulka Jarmalka.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa fariimo taageero ah u diray ciyaaryahanka iyo xulkaba kaliya maalmo ka dib markii seddexda xiddig ee England ee kala ah Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka iyagana la cunsuriyeeyay.

Taageere ayaa soo qoray: “Waa wax aad u cun in weli ay cunsurinimada socoto, waan ku taageerayaa xulka inay garoonka isaga baxeen. Cunsuriyada boos kuma lahan bulshada.”

Mid kale ayaa soo qoray: “Waa wax xun. Cunsuriyada boos kuma lahan meelna – waxaan rajeynayaa in Jordan uu fiican yahay.”

Mid seddexaad ayaa yiri: “Waa sharafdhac. Shaqo wacan ayaan leeyahay xulka Jarmalka, waxaan ka soo taageerayaa England.”

Torunarigh waa 23 sanno jir ku dhashay bariga Jarmalka, wuxuu ku biiray kooxda Hertha Berlin isagoo sagaal sanno jir ah, wuxuuna qeyb ka noqday kooxda koowaad markii uu 19 sanno jir ahaa.

Wuxuu doortay inuu ciyaaraha caalamiga ku matalo Jarmalka inkastoo uu u ciyaari karay Nigeria oo ay waalidkiis ka soo jeedaan.

Jarmalka waxay ku jiraan Group D ciyaaraha Olimbikada ee xagaagan ka dhacaya dalka Jaban.

Ciyaaraha kubada cagta ee ciyaaraha Olimbikada waxay bilaabanayaan maalinta Khamiista maalin ka hor xaflada furitaanka ciyaaraha Olimbikada ee Tokyo.

Jarmalka waxay isku group yihiin Brazil, Ivory Coast iyo Saudi Arabia iyagoo rajeynaya inay helaan bilad ka sareysa biladii qalinka ee ay heleen ciyaarihii Olimbikada ee Rio 2016.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*