Heshiiska La Isku Bedelanayo Antoine Griezmann & Sual Niguez Oo Sharcidarro Ka Ah Spain & Maamulka La Liga Oo Hanjabay

Heshiiska la filayo inuu dhaco ee u dhaxeeya kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ee la isku weydaarsanayo Antoine Griezmann iyo Sual Niguez ayaa waxaa baareysa maamulka horyaalka La Liga.

Dalka Spain kama jiro heshiis ciyaaryahano la isweydaarsanayo, taas bedelkeeda waa in ciyaaryahan walba qiimo gaar ah oo kala madax banaan lagu iibsado.

skysports saul nuigez antionne g 5447992

Si aysan kooxaha ugu xadgudbin sharciga u yaala wadanka,, maamulka La Liga ayaa si dhow u la socda heshiiskaan iyagoo baaritaan ku bilaabay sida ay sheegeen Radio Marca iyo barnaamijka El Partidazo de COPE.

Haddii Barcelona ay ku iibiso Griezmann qiimo ka hooseeya 72 milyan euro, markaas waxaa loo diiwaangelin doonaa inay qasaaro ku gashay heshiiska taasoo wax u dhimi doonta bajadkooda xadidan ee La Liga.

Marka dhanka Barcelona laga eego, sababta rasmiga ah ee ay u iibinayaan Griezmann ayaa ah inay mushaharkiisa iska meeleeyaan si ay dib u la saxiixdaan Lionel Messi.

Laakiin xiitaa bixitaanka Antoine Griezmann kuma filnaan doonto, waxayna u baahan yihiin inay xiddigo kale iibiyaan todobaadyada soo socda.

Haddii kale maamulka La Liga ayaa mar kale soo farogelin doona islamarkaana ka horjoogsan doona inay qandaraas cusub ka saxiixaan Lionel Messi.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*