Ibrahima Konate Oo Sharraxay Naanaystiisa ‘Ibou’ Iyo Culayska Uu Ku Yeelanayo Lambarka Ay Liverpool U Xidhay

Ibrahima Konate ayaa qirtay in uu muhiim yahay lambarka uu u xidhanayo kooxdiisa cusub ee Liverpool, kaas oo uu ka dhaxlay kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Georginio Wijnaldum oo heshiis cusub ah ugu wareegay PSG.

Laacibkan oo ay Liveprool kala soo wareegtay RB Leipzig bishii May, iyadoo bixisay lacagtii lagu burburin karayay qandaraaskiisa, ayaa waxa loo dhiibay No.5 oo uu xidhan jiray Wijnaldum, kaas oo markii la guddoonsiiyey uu u dhigtay xaflad jacayl uu u qabo darteed.

Konate

22 jirkan ayaa tababarka la qaadanayay ciyaartoyda Liverpool tan iyo horraantii bishan, waxaanay iska garab muuqanayeen laacibiinta dhaawaca kasoo doogay.

Kulamada saaxiibtinimo ee Liverpool ku yeelanayso waddanka Austria ayaa uu Konate doorkiisa ka qaadan doonaa iyadoo ay ciyaartoyda iyo tababaruhuna ka caawin doonaan sidii uu ula qabsan lahaa qaab-ciyaareedka Liverpool.

Afarta ciyaarood ee FC Wacker Innsbruck, VfB Stuttgart, Mainz 05 iyo Hertha Berlin ee ay Liverpool dheelayso ka  hor inta aanay ku laabanin Ingiriiska ayaa la filayaa in uu ku saldhigo Ibrahima Konate.

Laacibkan oo waraysi bixiyey ayaa waxa uu ka hadlay lambarka uu xidhanayo, waxaanu yidhi: “Waa lambar muhiim u ah kooxda, waxaana haystay ciyaartoy weyn aniga hortay, laakiin wax cadaadis ah iguma noqonayo sababtoo ah waxay tahay inaan horumar sameeyo mustaqbalka, waxaanan rajaynayaa in aan wax fiican qaban doono anigoo xidhan lambarkan.”

Ibrahima Konate waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyey naanaysta uu ku faraxsan yahay in loogu yeedho ee ‘Ibou’, waxaanu yidhi: “Iigu yeedha ‘Ibou’ sababtoo ah markii aan yaraa ayay hooyaday mar walba iigu yeedhi jirtay ‘Ibou, Ibou, Ibou.

“Maalintii iigu horreysay ee aan tegay Leipzig waxa ila socotay hooyaday, waxaanay mar walba iigu yeedhaysay ‘Ibou, Ibou, Ibou. Tababare Ralf Ragnick ayaa ku yidhi ‘waa maxay Ibou?’ Kaddib markii ay u sheegtay, qof walba wuxuu iigu yeedhaa Ibou.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*