MADAX-XANUUN: Waakan Halka Boos Ee Tababare Zidane Madax Wareerka Ku Ridaya Kahor Kulanka Chelsea & Xiddigaha Isku Haysta

Toddobaadkan gaar ahaan caawa iyo habeen dambe ayaa la ciyaarayaa kulamada lugta hore ee wareega afar dhammaadka Champions League, Real Madrid ayaa hadda diirada saaraysa dhigeeda Chelsea oo ay caawa gegida Alfredo Di Stefano kusoo dhawaynayso.

Chelsea iyo Real Madrid ayaa markii ugu horreysay ku kulmaya Champions League intii tartanka kooxaha Yurub magacaas loo bixiyay tan iyo 1992, guud ahaan saddex kulan oo ay hore u kulmeen ayay laba Blues guuleysteen halka kulanka kale ay bar-bardhac galeen.

Real Madrid: Hazard and Asensio: Real Madrid's summer signings will arrive at no cost | MARCA in English

Real ayaa tabaysa xiddigo laf-dhabar u ah shaxdeeda kulanka caawa, daafaca bidix ee Ferland Mendy ayaa maqnaan doona si lamid ah Fede Valverde iyo Sergio Ramos oo labaduba Korona Fayras qaba halka Lucas Vazquez uu xilli ciyaareedka inta ka hadhsan dhaawac ku seegayo.

Warbixin lagu qoray wargeyska Diario AS ayaa sheegay inuu jiro hal boos oo weerarka ah oo uu tababare Zinadine Zidane wer-werka ugu badani ka haysto.

Toni Kroos ayaa markale diyaar ah isla markaana khadka dhexe saddexleyda caanka ah kula samayn doona Luka Modric iyo Carlos Casemiro, sidoo kale soo laabashada Hazard ayaa xoojinaysa weerarka.

Karim Benzema oo ah hoggaamiyaha weerarka Los Blancos ayaa shaki la’aan kusoo bilaaban doona ciyaarta, sidoo kale Vinicius Junior ayaa la filayaa inuu doorkiisa sii xejisto.

Si kastaba, labada xiddig ee booska saddexaad ee saddexleyda weerar ku kala bixi doona ayaa ah Eden Hazard oo dhawaan dhaawac kasoo kabtay iyo Marco Asensio balse qiyaas ahaan waxa ay u muuqataa in Asensio soo hormari doono.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

7 Fekradood

  1. Asensio waa laqabankaraa lkn hazard la ma qaban karo waxaan jecelahay in uu Hazard fadhiyo waayo wuxuu khalkhal galinkaraa difaacyada Chelsea

    • Waxaan umalaynayaa haddii ay real Madrid ciyaarto kubadihii dhaadheer habeenkii liverpool 3 iyo1 iyagoo haysta dhex adag oo khabiiriin ah inay Chelsea caqabad ku noqon doonto kuna adkaan doonto inay kubada maamulaan

  2. Waxaan is leeyahay real madrid meel ayay saraysaa kuwan waayo real madrid khibrad ayay leedahay marka kubadu halkan timaado
    Waxaan ka bixi kara ninkii ceelka soo shubi jiray waan idin wada salamay dhamantiin

  3. Chelsea waraf lama dhaafin karo sababtoo ah liverbool iyo chelsea isku difaac ma ahan walaalkeygiyow taageere ahaan ha u hadlin

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*