Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

WAR LA SUGAYAY: Zidane Oo Afka Furtay, Juventus Oo Jacaylkeeda Uu Qiray Iyo Del Piero Oo Xasuusiyey Waayo Hore

by Abdiwahab Ahmed
April 7, 2021
0

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii xalay ay Real Madrid ku garaacday Liverpool, tababare Zinedine Zidane ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Real Madrid, waxaanu shaaciyey in muhiim ay u tahay kooxda Talyaaniga ee Juventus oo waqtigii uu ciyaartoyga ahaa uu ku qaatay muddo shan sannadood ah.

ADVERTISEMENT

Real Madrid ayaa guul 3-1 ah ka gaadhay Liverpool lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, waxaana markii ay ciyaartaasi sii dhamaatay uu hor yimid warbaahinta oo ay ku jireen kuwo laga leeyahay Talyaaniga.

Zidane

Halyeygii Juventus ee Alessandro Del Piero oo ay Zinedine Zidane usoo wada ciyaareen kooxdaas ayaa khadka soo galay intii uu ZIZOU warbaahinta la hadlayay, waxaanu kusoo tuuray su’aal ay jawaabteedu hadal hayn dhalisay.

ADVERTISEMENT

Del Piero ayaa weydiiyey Zidane, haddii uu tabay isaga (Del Piero ahaan) ama uu u darsaday noloshii Talyaaniga, waxaanu Zidane ku jawaabay: “Labadaba waan tebay. Talyaanigu qalbiga ayuu igaga yaalaa, waxaan kusoo qaatay shan sannadood Turin iyo Juventus, walina muhiim ayay ii yihiin.”

Sidoo Kale Akhri

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

February 7, 2023

Warbaahinta uu la hadlayay oo ahayd Sky Italia, ayaa waxa kael oo Del Piero oo toos ugu jiray khadka uu weydiiyey su’aal kale oo ahayd haddii uu tegayo Juventus oo la sheegayo inay caydhinayso Andrea Pirlo, waxaanu Zidane ku jawaabay: “Mustaqbalka in aan tegayo Juventus? Hadda halkan ayaan joogaa, waanaynu arki doonaa.”

Zidane ayaa markii uu su’aashan dambe ka jawaabayay sameeyey dhoola-caddayn, halka uu Del Piero qoslay.

Hadalkan Zidane ayaa yimid waxyar kaddib markii uu murashaxa Madaxweynaha Real Madrid ee Riquelme uu shaaciyey in haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada kooxdaas ee soo socota, in Zidane aanu sii ahaan doonin tababarihiisa oo uu eryi doono, isla markaana falsafad ciyaareed oo kale uu kooxda ka bilaabi doono.

ADVERTISEMENT
Share234Tweet146
ADVERTISEMENT

Related Posts

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijiyey, in xiddiga reer Brazil ee Antony uu ku biiray liiska ciyaartoyda dhaawaca...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.