Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

WAR LA SUGAYAY: Tababare Fernando Santos Oo Cadeeyay Sababta Uu Xalay Keydka U Dhigay Cristiano Ronaldo

by Apdihakem Omer Adam
December 7, 2022
0
WAR LA SUGAYAY: Tababare Fernando Santos Oo Cadeeyay Sababta Uu Xalay Keydka U Dhigay Cristiano Ronaldo

Tababaraha xulka Portugal ee Fernando Santos ayaa sheegay sababta uu kursiga keydka ugu dhaadhiciyay weeraryahankiisa Cristiano Ronaldo kulankii Switerland ee xalay.

ADVERTISEMENT

Portugal ayaa 6-1 kaga adkaaday dhigooda Switzerland kulan uu intii badan keydka fadhiyay kabtan Ronaldo iyadoo waliba hadal hayn weyn ay yeelatay in xiddigii lagu bedelay ee Goncalo Ramos saddexley goolal ah uu dhaliyay.

Haddaba, kulanka kaddib tababare Santos oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu xidhiidhka isaga iyo Cristiano ka dhaxeeyaa yahay mid aad u fiican balse uu sabab taatiko u fadhiisiyay oo ay doonayeen ciyaar ka duwan mida uu Ronaldo xulka kusoo kordhiyo.

“Anigu xidhiidh aad u dhaw ayaan la leeyahay, waxaan garanayaa tan iyo markii uu 19 sano jirka ahaa ee Sporting joogay kaddibna waxa uu bilaabay inuu horumaro markii aan xulka imid 2014” ayuu yidhi Fernando.

ADVERTISEMENT

“Aniga iyo Ronaldo marnaba kuma qaladno dhinaca shaqsiyada iyo bini-aadanimada mida tababaraha iyo ciyaartoyga. Anigu markasta waxaan u arkaa inuu yahay ciyaartoy ay muhiim tahay in xulka lagu haystaa”.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

“Waxaanu doonaynay ciyaartoy ku ciyaaraya qulqul badan, si aad u wanaagsan ayaanu u ciyaarnay, waxaanu ahayn koox qulqulaysay, kubadda ayaanu haysanay”.

“Waxaanu qabnay aaminaad badan, waxaanu ku ciyaarnay ka go’naansho iyo midaw badan taasna waxa ka falcelinaya awooda aanu kubadda dib ugu guuleysanaynay, waxkasta si aad u wanaagsan ayay u shaqeeyeen”.

ADVERTISEMENT
Share548Tweet343
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.