Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

WAR LA SUGAYAY: Pep mise Klopp? Brazil Oo Tababaraha Ugu Wanaagsan Premier League U Magacaabaysa Macallinkeeda Cusub

by Abdiwahab Ahmed
December 12, 2022
0
WAR LA SUGAYAY: Pep mise Klopp? Brazil Oo Tababaraha Ugu Wanaagsan Premier League U Magacaabaysa Macallinkeeda Cusub

Xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa raadinaya tababare cusub kaddib markii uu iska casilay  Tite kaddib guul-darradii ay kala kulmeen Croatia oo rikoodheyaal ku garaacday wareegga siddeedda Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Tite ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xulka Selecao waxyar kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii Croatia, isaga oo soo afjaray muddo lix sannadood iyo badh ah oo uu xulka  dalkaas laylinayay.

Brazil ayaa haysata tiro magacyo tababareyaal ah oo ay kala dooranayso, hase yeeshee doorkan waxay doonayaan in ay xulkooda u dhiibaan macallin ajanabi ah oo aan dalkooda u dhalan, si uu usoo celiyo kubaddii quruxda badnayd ee konton sannadood ka hor ay dunida ku qabsadeen.

Sida uu qoray wargeyska Sport oo uu soo xigtay Express, xidhiidhka kubadda cagta Brazil ee magaciisa loosoo gaabiyo CBF ayaa waxa uu isku diyaarinayaa xidhiidh uu la sameeyo tabaabaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola oo la sheegay inuu meel weyn kaga jiro qorshahooda.

ADVERTISEMENT

Ednaldo Rodrigues oo ah madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa la sheegay inuu qaatay masuuliyadda ah inuu Pep Guardiola si shaqsi ah uga dhaadhiciyo inuu la wareego xulka ugu guulaha badan dunida ee Brazil, balse lama  hubo sida uu ugu guuleysan karayo inuu Guardiola ku qanciyo arrintaas.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Guardiola oo ahaa tababaraha Manchester City tan iyo July 2016, ayaa waxa uu dhowaan saxeexay heshiis cusub oo saddex sannadood ah oo soconaya illaa xagaaga 2025 oo uu kusii joogayo Etihad Stadium, balse CBF ayaa rumaysan in haddii uu Guardiola go’aansado inuu xulkooda hoggaamiyo, inay si fudud ku burburin karayaan heshiiskiisa.

Pep Guardiola oo lagu tilmaamo tababaraha ugu wanaagsan Premier League, sidoo kalena hormoodka macallimiinta adduunyada ka mid ah ayaa waxa uu shaqada tababarenimada soo bilaabay sannadkii 2008 oo uu qabsaday Barcelona, taas oo ay uga horreysay muddo kooban oo uu talyaaniga soo joogay. Laga soo bilaabo waqtigaas, waxa uu Guardiola soo layliyey 782 ciyaarood oo kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Manchester City.

579 ciyaarood oo ka mid ah kulamadaas ayaa uu guuleystay, inta kalena waxay isugu jiraan guul-darrooyin iyo barbarro.

Waxa kale oo uu ku guuleystay afar horyaal oo Premier League ah, saddex horyaal oo La Liga ah, saddex horyaal oo Bundesliga ah, laba UEFA Champions League oo waqtigiisii Barcelona iyo koobab kale.

ADVERTISEMENT

15ka sannadood ee uu ku jiray xirfadda tababarenimada, waxa uu Pep Guardiola ku guuleystay 32 koob oo naadiiyadii kala duwanaa ee uu soo layliyey ah.

Share372Tweet233
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.