Ilo ku sugan Benfica ayaa ka dhawaajiyay war cusub oo ku saabsan xiisaha saxiixa Liverpool ee xiddiga khadka dhexe ee Enzo Fernandez.
Fernandez ayaa haatan ku sugay Qatar madaama wadankiisa uu finalka Koobka Adduunka la ciyaarayo France maalinta Axada.
Xiddigaan ayaa sumcadiisa ku dhistay Koobka Adduunka isagoo qaab ciyaareed fiican u soo bandhigay Argentina halka uu sidoo kale wacdarro u dhigayay Benfica xilli ciyaareedkan.
Wuxuu kooxda reer Portugal ku soo biiray xagaagii isagoo ka soo wareegay River Plate laakiin waxay u muuqataa inuu durbaba ka sii socdo kooxda.
Wargeyska Portugal ka soo baxa ee Record ayaa maalmo ka hor shaaciyay in Liverpool ay hishiis hordhac ah la gaartay ciyaaryahanka.
Laakiin haatan Benfica ayaa shaacisay sida uu ciyaaryahanka ugu dhow yahay inuu ku biiro Reds.
Shabakada 90min ayaa sheegeysa in kooxda reer Portugal ay ogolaatay inuu ciyaaryahanka bixi karo laakiin waxay u sheegeen Liverpool inay bixiyaan lacag gaareysa 120 milyan euro oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.
Haddii Liverpool ay lacagtaas bixiso wuxuu Enzo Fernandez noqon doonaa xiddigii ugu qaalisanaa ee ay abid Liverpool la soo wareegto,
Warkaan ayaa meesha ka saaraya wararkii sheegayay in Benfica aysan diyaar u aheyn inay fasaxdo xiddiga khadka dhexe.
Ciyaaryahanka ayaa haatan ku mashquulsan Koobka Adduunka, waxaana la filayaa inuu mustaqbalkiisa xalin doono marka uu ka soo laabto xulka Argentina.