Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa in uu si lama filaan ah maalmaha soo socda ugu dhawaaqo inuu ka fadhiistay guud ahaanba kubadda cagta kaddib markii ay Manchester United burburisay heshiiskii ay kula jirtay, sidoo kalena uu niyad-jab iyo khilaaf ku dhamaystay Koobka Adduunka, isla markaana ay burburtay riyadiisii ahayd inuu ku guuleysto Koobka Adduunka.
Patrice Evra oo ay Cristiano Ronaldo usoo wada ciyaareen Manchester United ayaa sheegay, in Ronaldo ay suurtogal tahay inuu qaatay go’aan ah inuu ka fadhiisto ciyaaraha, taasina ay tahay arrin aan lala yaabi doonin.
Evra oo ka hadlayay telefishanka Sky Sports ayaa yidhi: “Anigu ma garanayo waxa uu samayn doono. Messi waxa uu sheegayaa inuu ka fadhiisan doono ciyaaraha caalamiga ah kaddib Koobka Adduunka, laakiin Ronaldo ma garanayo inuu ka fadhiisanayo.
“Mararka qaarkood, marka dhalleecayn badan laguu jeediyo, waliba dhamaadka xirfaddaada ciyaareed, waxa aad odhanaysaa, ‘Waa caadi, waxa la gaadhay waqtigii aan joojin lahaa ciyaaraha.’
Patrice Evra oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray: “Waa qasab inuu sidaa dareemo sababtoo ah marka aad ka mid noqon weydo shaxda {XI] xulkaaga. Ronaldo waxa uu doonayay in uu ciyaaro iyo inuu taam u noqdo oo uu xulkiisa kula guuleysto Koobka Adduunka.
“Tani waxay ahayd riyadiisa; hadda riyadaasi way ka burburtay. Inkasta oo aanan anigu la hadal Cristiano, haddana layaab iguma noqon doonto haddii uu hawlgab noqdo.
“Hadda wax walba waxay u yaallaan Cristiano, waxaana lagu eedaynayaa in uu yahay qof xun, sidaa darteed aniga layaab iguma noqonayso haddii uu go’aansado inuu ka fadhiisto ciyaaraha.”