Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

WALWAL: 12 Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Laga Saaray Kulanka Liverpool vs Leicester & Walwalka Haysta Rodgers

by Abdiwahab Ahmed
December 30, 2022
0
WALWAL: 12 Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Laga Saaray Kulanka Liverpool vs Leicester & Walwalka Haysta Rodgers

Kooxda culayska badan saaran yahay ee Leicester City ayaa caawa waayi doonta dersin ka mid ah xiddigaheeda kooxda koowaad, iyadoo tababare Brendan Rodgers uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Liverpool oo ay marti ugu noqonayaan Anfield.

ADVERTISEMENT

Liverpool ayaa haddii ay ciyaartan guuleysato waxay soo yarayn doontaa farqiga kaalinta afraad, iyadoo sidoo kalena ay u noqon doonto guushii afraad ee Premier League ee xidhiidh ah.

Reds ayaa xilli ciyaareedkani aadugu adkaa, waxaana waqti horeba aad u yaraatay fursadda ay ugu tartami karayaan horyaalka kaddib guul-darrooyin iyo barbarro aan looga baranin oo wadartoodu le’ekaatay kulamadii ay guuleysteen.

Leicester City oo kaalinta 13aad ku jirta, ayaa ogsoon in haddii laga badiyo ay hoos u dhici doonaan oo ay kulaali doonaan casaanka, waxaanay Anfield tegayaan iyadoo ay ka maqan yihiin lix ciyaartoy oo muhiim ah.

Rodgers oo saxaafadda la hadlayay ayaa xaqiijiyey in James Maddison uu dhaawac yahay oo aanu ciyaari doonin kulankan, waxaanu yidhi: “Waa uu tababaranayaa, kulamadana diyaar ayuu u noqonayaa, laakiin wali waxa uu xanuun ka dareemayaa jilibka. Kooxda caafimaadku waxay leeyihiin waa ku degdeg kulankani.”

Waxa kale oo ka maqan difaaca muhiimka ah ee Jonny Evans iyo sidoo kale Ricardo Pereira, James Justin, Ryan Bertrand iyo Dennis Praet.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa iyadana ay ka maqan yihiin lix ciyaartoy oo muhiim ah oo wadarta xiddigaha labada kooxood ka maqnaanaya kulanka ka dhigaya 12 ciyaartoy.

Reds ayaa waxay liiska  ciyaartoydeeda ka reebtay xiddigaha dhaawaca ah ee Roberto Firmino, James Milner, Curtis Jones, Luis Diaz, Diogo Jota iyo Arthur Melo.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
Share334Tweet209
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.