Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ayaa kaddib guushii ay xalay ka gaadheen xulka Poland ee wareega 16-ka koobka aduunka ugu soo baxeen sheegay inuusan 100% faraxsanayn.
Argentina ayaa wareega 16-ka ballan kaga samaysatay xulka Australia kaddib guushaas ay ku heleen goolal uga yimid Julian Alvarez iyo Alexis Mac Allister.
Arrinta hadal haynta lahayd marka guushaasi laga yimaado ayaa ah in Lionel Messi laga badbaadiyay rigoore qaybtii hore ee ciyaarta.
Messi ayaa sheegay inuu wali ka cadhaysan yahay inuu rigoorahaas qasaariyay isagoo dhinaca kale saadaaliyay in kulanka Australia noqon doono mid aad u adag.
“Anigu wali waan ka cadhaysanahay inaan rigoorahaas qasaariyay balse xulku si xoogan ayuu u dhaqaaqay kaddib rigoorahaas. Waanu ogayn in marka goolka koowaad dhasho wax isbedeli doonaan oo ay daafaca kasoo bixi doonaan” ayuu yidhi Leo.
“Guushii hore ee Mexico ayaa na siiyay nabad maskaxeed badan maantana waxaanu garoonka galnay anagoo ku fikirayna waa inaynu guuleysano”.
“Kulanka Australia wuxuu noqon doonaa mid aad u adag, qofkasta wuxuu garaacayaa qofkasta, waxkasta waa wax dhici kara. Kulanka waa inaanu sida ugu wanaagsan ugu diyaar garowno sida aanu markasta samayno”.