Waxay noqon kartaa dhammaadka wakhti cajiib ah, waayihii ugu fiicnaa ee ay Atletico De Madrid soo martay kubadda cagta casriga ah.
Atletico ayaa ahayd mid ay maalmihii ugu dambeeyay warar waaweyni kasoo baxayeen waxaana laga xusi karaa heshiiska uu kooxda kaga baxayo Joao Felix oo Chelsea amaah ugu biirayaa.
Intaas kaddib saxafiga El Chiringuito ka shaqeeya ee Paco Garcia ayaa sheegaya in Simeone ku wargeliyay Atletico Madrid inuu kooxda ka tagayo dhammaadka xilli ciyaareedkan oo ku beegan sanad kahor markii heshiiskiisu dhacayay.
Haddii uu Simeone baxo ayay jirtaa suurogalnimo uu Felix mustaqbal ugu yeelan karo Atletico maadaama uu haatan uga tagayo xidhiidhka kala dhaxeeya tababaraha ree Argentina oo aan ahayn mid wanaagsan.
Rojiblancos ayaan marnaba ilaawi doonin sida uu taariikhdooda u bedelay tababare Diego Simeone oo u keenay guulo badan mudada uu la joogay isagoo waliba la tartamayay kooxaha ugu waaweyn dunida.
Simeone ayaa afarta sarre ee La Liga ku dhammaysanayay tan iyo markii uu kooxda yimid waxaana intaas u dheer inuu kula soo guuleystay laba horyaal La Liga, Laba Europa League, Copa Del Rey, Laba European Super Cup, Hal Spanish Supercopa halka uu sidoo kale laba Final Champions League gaadhsiiyay.