Waatan Shuruuda Barcelona Ka Caawinaysa Inay Kansasho Heshiiska Gerrard Pique

Barcelona ayaa haysata qoddob ka caawinaya inay kansali karto heshiiska uu kooxdeeda ku joogo daafaca dhexe ee ruugcaddaaga ah ee Gerard Pique.

Heshiiska Pique ee Barcelona ayay laba sano ka hadheen oo dhacaya sanadka 2024 balse Barca ayaa doorbidaysa inuu wakhtigaas kahor tago maadaama oo uu haatan keyd ka yahay kooxdeeda.

Barca ayaa sii wada inay la dagaalanto waxkasta oo dhaqaale la xidhiidha oo kooxdeeda ah sida mushaharaadka ay siiso ciyaartoy uu Pique kamid yahay.

Advertisements

Sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, Blaugrana ayaa haysata qoddob dhigaya inay kansali karto heshiiska Gerard haddii uu xilli ciyaareedkan ciyaaro wax ka yar 35% kamida kulamadeeda.

Isku geynta kulamada horyaalka, Champions League iyo koobabka kale ee maxaliga ahba Barca ayaa 50 ilaa 55 kulan gaadhi karta ugu badnaan taas oo ka dhigan in haddii Pique ugu badnaan 19 kulan ciyaaro xilli ciyaareedka dambe kooxdaasi heshiiskiisa soo afmeeri karto.

Ilaa haatan 35 sano jirkaas ayaa hal kulan kasoo muuqday horyaalka waana ciyaartii ay Barca guusha kasoo gaadhay Cadiz halka kulankii Champions League ee Victoria Plazen uu wakhtigii nasashada bedel ku yimid.

Mundo Deportivo ayaa sheegaya in haddii Pique baxo Xavi Hernandez bedelkiisa u doortay Inigo Martinez oo ah daafaca dhexe ee Athletic Bilbao.

Barcelona ayaa laga soo diiday dalab 12 Milyan oo pound ah oo ay suuqii dhawaa ku doonaysay saxeexa Martinez balse heshiiskiisa Bilbao ayaa xilli ciyaareedka dambe dhacaya.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada