Sida ay sheegayaan warar cusubi, Manchester City ayaa ku niyadsan inay saxeexa khadka dhexe ee Borussia Dortmund ee Jude Bellingham ku garaaci doonto kooxaha kula tartamaya ee Real Madrid iyo Liverpool.
Bellingham oo kamid ah xiddigaha ugu mustaqbalka wanaagsan Yurub ayaa markale Koobka aduunka kusoo muujiyay awoodiisa ciyaareed isagoo muhiim u ahaa xulka England.
Waxa la fahamsan yahay in Liverpool ahayd kooxda hoggaanka u haysay tartanka Jude balse Real Madrid ayaa maalmahan ugu dambeeyay kala wareegtay.
Tan iyo markii uu Bellingham u wareegay Dortmund ayay kooxo badan oo Yurub ahi xiisaynayeen, kaddib bandhigyadiisii Koobka aduunka ayuu qiimihiisu kaliya kordhayaa.
Marka laga yimaado in saxeexiisa haatan loo badinayo Real Madrid ayuu wargeyska The Sun sheegayaa in Man City ay ku kalsoon tahay inuu kooxdeeda usoo wareegi doono sababtoo ah tababare Pep Guardiola oo uu la shaqayntiisa doorbidi doono.
Iyadoo Pep uu dhawaan saxeexay heshiis gaadhsiisan ilaa 2025 isla markaana uu Erling Haaland oo ay asxaab ku ahaayeen Dortmund joogo Etihad Stadium ayay Sky Blues soo jiidan karaan Bellingham.
Tan iyo markii uu Borussia ku biiray sanadkii 2020, Bellingham ayaa 112 kulan kooxdaas usoo ciyaaray isagoo 21 gool iyo 19 caawimo soo sameeyay.