Sida warbixin cusub lagu sheegay, weeraryahan Cristiano Ronaldo waxa uu wicitaan ka sugayay kooxdiisii hore ee Real Madrid kahor inta uusan Al Nassr heshiis qaali ah ugu biirin dhawaan.
37 sano jirkaas ayaa ahaa mid koox la’aan ah tan iyo markii uu si wadajir ah Manchester United ula kansalay heshiiskii uu kula joogay.
Ronaldo ayaa si uu taam ahaanshihiisa jidh ahaaneed u ilaaliyo ku tababaranayay xerada Real Madrid ee Valdebebas kaddib markii xulka Portugal Koobka aduunka ka hadhay.
Sida uu sheegayo wargeyska ree Spain ee MARCA, Ronaldo ayaa sugayay inuu wicitaan iyo heshiis ka helo Los Blancos.
Ronaldo ayaa halyeey ka ah Real Madrid oo uu 450 gool ugu soo dhaliyay 438 kulan oo uu sagaal sano ugu soo ciyaaray.
Laakiin Marca ayaa sheegaya in Real Madrid aysan wax xiiso ah u qabin inay Cristiano dib ula saxeexato taas oo dhalisay inuu aqbalo heshiiskii Al Nassr.
Warbixinta ayaa sheegaysa in madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu wakhtigaas soo dhaweeyay Ronaldo isagoo ku yidhi “Dabcan halkani waa gurigaagii”.
Ronaldo ayaa kahor Koobka aduunka si weyn u dhaliilay tababare Erik Ten Hag, mulkiilayaasha iyo ciyaartoyda Man United waraysi uu siiyay saxafi Piers Morgan.