Bartilmaameedka kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Arsenal ee Joao Felix ayaa koox lama filaan ah u doortay kooxda uu ugu jecel yahay horyaalka Premier League.
Joao ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku dhibtooday kooxdiisa Atletico Madrid waxaana lala xidhiidhinayaa inuu koox bedelasho samayn doono suuqan January.
Kooxaha xiisaha ugu badan u muujiyay Joao ayaa ah kuwa waaweyn ee Premier League, Atletico ayaa ogol inay xataa amaah ku bixiso inta xilli ciyaareedka ka hadhsan haddii mushaharkiisa mudadaas la daboolayo.
Man United ayaa u baahan saxeexa weeraryahan cusub kaddib markii ay kansaleen dhawaan heshiiskii Cristiano Ronaldo Old Trafford ku joogay.
Felix ayaa isagu horeba u doortay kooxda dookhiisa ah ee Premier League ka ciyaarta mana aha mid ay ku farxi doonaan taageerayaasha United.
Waraysi uu siiyay ninka lagu magacaabo Adri Conteras ayuu Felix ku sheegay in kooxda uu jecel yahay ay tahay Leeds United oo xifaaltan taariikhi ahi kala dhaxeeyo Manchester United.
Wax ad rabtin noshega