Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Waanu Ku Garab Taaganahay” – Arsenal Oo Ka Hadashay Ben White Oo Iskaga Tegay Xulka Qaranka England

by Abdiwahab Ahmed
December 1, 2022
0
“Waanu Ku Garab Taaganahay” – Arsenal Oo Ka Hadashay Ben White Oo Iskaga Tegay Xulka Qaranka England

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa war kasoo saartay difaaceeda Ben White oo xalay iskaga tegay xulka qaranka England ee ku sugan waddanka Qatar ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka, kaddib saddex ciyaaarood oo aanu midkoodna safanin oo uu kursiga kaydka ku caajisay.

ADVERTISEMENT

Ben White ayaa xanuun kaga maqnaaday ciyaartii xulka qaranka England uu 3-0 ku garaacay Wales, taas oo uu tababare Gareth Southgate xaqiijiyey in aanu taam u ahayn.

Harry Maguire iyo John Stones ayaa ah labada difaac dhexe ee xulka qaranka England sida joogtada ah ugu soo bilowday kulamadii illaa hadda ay ciyaareen, waxaase sidoo kale dookh ahaa Conor Coady iyo Eric Dier, halka Ben White isagana ay fursaddiisu aad u yarayd.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa shaaciyey, in Ben White uu sababo shaqsi ah uga tegay xulka qaranka England ee qaadanaya tababarka ay ugu diyaar-garoobayaan ciyaarta Senegal ee wareegga 16ka Koobka Adduunka, isla markaana aanu dib ugu soo noqonayn.

ADVERTISEMENT

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa lagu yidhi: “Ben White waxa uu ka tegay xarunta tababarka England ee Al Wakrah, waxaanu sababo shaqsi ah ugu laabtay hoygiisa.

Sidoo Kale Akhri

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023
Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023

“Difaaca Arsenal lama filayo inuu kusoo laabto xulka inta ka hadhay tartanka. Waxa aanu dalbanaynaa in la ixtiraamo arrimaha shaqsiga ah ee ciyaartoyga waqtigan.”

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa iyaduna dhinaceeda waxay soo saartay qoraal kooban oo ay ku garab istaagay Ben White oo afar ciyaarood u saftay xulka qaranka England oo aan inta badan loogu yeedhin.

Gunners ayaa qoraalkeeda kooban ku tidhi: “Waanu ku garab taaganahay Ben.”

ADVERTISEMENT
Share426Tweet266
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.