Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyey eedaymo loo jeediyey oo ahaa inuu yahay ciyaartoygii ugu xumaa Koobka Adduunka ee soo mara xulka qaranka Germany muddo sannado ah.
Kroos oo 106 ciyaarood u saftay xulka Germany ayaa ciyaaraha ka fadhiistay July 2021 markii xulkiisu ka hadhay tartankii Euro 2020, waxaana uu sannadkan ka maqnaa Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Qatar.
Hansi Flick ayaa isku dayay inuu ku qanciyo Toni Kroos inuu ka laabto go’aankiisa oo uu dib ugu soo noqdo xulka oo uu ciyaaro Koobka Adduunka ee ay wareegga koowaad kaga hadheen laakiin kubbad-sameeyahan ayaa iska diiday.
Si kasetaba, wariyaha ciyaaraha ee Cristina Cubero oo ka hadlaysay barnaamij ka baxa telefishanka Spanish-ka ah ee El Chiringuito ayaa Toni Kroos ku eedaysay ciyaartoygii ugu xumaa Koobka Adduunka, xilli ay ka jawaabaysay su’aal ahayd inay sheegto laacibkii ugu xumaa ee ay ku aragto tartanka ugu weyn kubadda cagta.
Cubero ayaa ka hor intii aanay Kroos dhalleecaynin waxay kabaha lasii dul-martay da’yarka Real Madrid ee Vinicius Junior oo ay isaguna ku tilmaantay mid niyad-jab ah, waxaanay tidhi: “Aniga aragtidayda, Vinicius Junior ayaa niyad-jab weyn ku ahaa Brazil.
“Hahahahaha waan ka xumahay Toni. Aad baan kuula dhacsanahay, laakiin waxa aad ahayd ciyaartoygii ugu xumaa Koobka Adduunka.”
Toni Kroos ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Twitter-ka kaga jawaabay eedayntan, waxaana uu yidhi: “Waan ogaa in uu qof i eedayn doono.” Qoraalkiisa ayuu soo raaciyey sawir emoji ah oo qoslaya.
Si kastaba ha ahaatee, Toni Kroos ayay Koobka Adduunka ugu dambaysay sannadkii 2018 oo uu dalkiisu ku hadhay wareeggii koowaad, hase yeeshee waxa uu tiir-dhexaad u ahaa xulkii 2014 ku guuleystay Koobka Adduunka.