Halyeygii kubadda cagta Netherlands ee Rene Van de Kerkhof ayaa sheegay inuu ogyahay ciyaartoyga ay Real Madrid ku beddelayso weeraryahankeeda Karim Benzema oo ay da’diisu sii weynaanayso isla markaana xilli ciyaareedkan ay dhaawacyo badan soo gaadheen.
Benzema oo bishii October ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ayaa inta badan xilli ciyaareedkan u jiifay dhaawacyo xataa sababay inuu ka qado Koobka Adduunka, waxaanay kooxdiisu dareensan tahay in la gaadhay waqtigii ay beddelkiisa diyaaarsan lahaayeen.
Rene Van de Kerkhof ayaa waxa uu sheegay inuu helay xog la xidhiidha in Los Blancos ay dooratay ciyaartoygii u beddeli lahaa Benzema oo ay ka xusheen Koobka Adduunka oo Florentino Perez iyo Carlo Ancelotti ay si dhow ula socdeen.
Gool-dhaliyaha xulka qaranka Netherlands ee Cody Gakpo oo ay doonayaan kooxo badan, sida Manchester United ayaa uu Rene Van de Kerkhof sheegay in Real Madrid ay si dhab ah uga go’an tahay inay la saxeexato bisha January ee foodda inagu soo haysa.
Gakpo oo u dheela PSV Eindhoven, ayaa waxa uu bandhig heersare ah ka sameeyey Koobka Adduunka oo uu ka dhaliyey saddex gool, waxaana Rene Van de Kerkhof oo ka hadlayay xogta uu ka helay Real Madrid ee ku saabsan damaca Gakpo uu yidhi: “Waxa aan leeyahay ilo lagu kalsoon yahay oo Spanish ah, waxayna ii sheegeen in Real Madrid ay doonayso in Cody Gakpo ay ka hesho, si uu u noqdo beddelka Benzema.”
Tan iyo bilowgii xilli-ciyaareedkii hore, Gakpo ayaa PSV u saftay 41 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey 21 gool iyo 25 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaanay taasi keentay in Ancelotti uu dalbado in loo keeno laacibkan boosaska badan ka dheela, si uu qayb uga noqdo xiddigaha mustaqbalka iyo haddaba.
Ancelotti oo inta badan garabka midig ka ciyaarsiiya Federico Valverde iyo Rodrygo Goes ayaa waxa uu Gakpo u noqon karaa dookh saddexaad isaga oo sidoo kalena weerarka dhexe iyo garabka bidix intaba ka imana karaya.