Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Harry Maguire ayaa ku adkaystay in uu dagaallmi doono si uu mar kale u helo booskiisa difaaca dhexe ee kooxda ee ay kala wareegeen Lisandro Martinez iyo Raphael Varane.
29 jirkan ayaa sii xajistay kabtanimada kooxda ee xilli ciyaareedkan inkasta oo uu dhibaatooday fasalkii hore, taas oo keentay inay hungureeyaan ciyaartooyo badan.
Bandhiggii aadka u liitay ee kulamadii Brighton & Hoe Albion iyo Brentford ayaa keentay in Erik ten Hag uu kaydka u diro, waxaana uu ka doorbiday Raphael Varane iyo Lisandro Martinez oo ah labada difaac ee uu inta badan adeegsado, halka Victor Lindelof uu isaguna u muuqdo inuu ka horreeyo Maguire dhinaca beddelka.
Arrinta kale ee bahdilaadda ku noqotay Maguire ayaa waxay tahay, in Luke Shaw uu ka ciyaaro difaaca dhexe oo uu Erik ten Hag ka doorbido.
Si kastaba, kaddib ciyaaartii Charlton ee semi-finalka Carabao Cup ee ay guusha weyn kasoo hooyeen, ayaa uu Harry Maguire saxaafadda la hadlay, waxaana uu sheegay inuu u dagaallami doono booskiisa difaaca dhexe. Waxa kale oo uu dabaoolka ka qaaday xanuun ku dhacay kaddib Koobkii Adduunka.
“Waxa aan dareemayaa in aan fiicanahay, kulankii Bournemouth ee Usbuucii hore si fiican ayaan u dheelay.” Ayuu yidhi Maguire, waxaana uu ku daray: “Nasiib-darro xanuun ayaa igu dhacay markii aan kasoo laabtay Koobka Adduunka. Waxa uu dib ii dhigay laba toddobaad.
“Laakiin hadda waxa aan dareemayaa in aan wanaagsanahay. Waxa aanu kooxdan ku haysanaa difaacyahanno wanaagsan, mar walbana waa lagu tartamayaa boosaska, aniguna waxa aan diyaar u ahay in aan dagaallamo.”