Chelsea ayaa la fahamsan yahay inay dalab weyn oo qaali ah ka gudbisay khadka dhexe ee Benfica ee Enzo Fernandez.
Blues ayay warbaahintu sheegaysaa inay dalab 112 Milyan oo pound ah ka gudbisay Fernandez xilli heshiiskiisa Benfica lagu jabin karo 106 Milyan oo pound taas oo ka dhigan inay lix Milyan oo dheeri ah ku dareen.
Sababta ay Chelsea ugu dartay lacagtaas dheeraadka ah ayaa lagu sheegay inay doonayso inay saddex jeer oo kala duwan min 37.3 Milyan pound bixiso oo ay Benfica ka sugto.
Qaabka ay Chelsea u doonayso inay heshiiskan dhammayso ayaa ah mid lamida sidii ay Atletico Madrid isla Benfica kagala wareegtay Joao Felix 2019-kii.
Benfica ayaa muujisay inay doonayso inay haysato Fernandez balse 21 sano jirkaas oo Koobka aduunka kula soo guuleystay Argentina ayaa doonaya heshiis uu kooxda kaga baxo.
Wadahadalo dheeri ah ayaa la filayaa inay maanta qabsoomaan, Benfica ayaa go’aan ka gaadhi doonta haddii ay dalabka Chelsea aqbalayso.
Heshiiskaas ayaa Enzo ka dhigi doona saxeexa ugu qaalisan taariikhda Premier League isagoo ka sarre mari doona Jack Grealish iyo Romelu Lukaku.
Si lamid ah Chelsea ayaa isha ku haysa inay dhammaystirto waxa ka hadhsan heshiiska daafaca dhexe ee Benoit Badiashile oo ay AS Monaco kala heshiiyeen.