Sida ay sheegayaan warbaahinta England gaar ahaan wargeyska Mirror, tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa xiddiga weerarka kooxda PSV ee Cody Gakpo u sheegay sida uu ugu arko bedelka ugu haboon ee Cristiano Ronaldo.
Manchester ayaa bishii hore Ronaldo si wadajir ah ula kansashay heshiiskii uu kooxda ku joogay kaddib waraysi uu si weyn ugu dhaliilay oo uu bixiyay.
Gakpo ayaa xagaagii lala xidhiidhinayay Red Devils balse wakhtigaas ayay ka doorbideen Antony Santos oo garabka midig ee ay baahida u qabeen kaga haboonaa.
Markale 23 sano jirkaas ayaa kooxdiisa PSV wacdarro ku dhigaya isagoo goolal badan uga qayb qaatay horyaalka Eredivise iyo Europa League labadaba.
Mirror ayaa sheegaya haatan in tababare Ten Hag u sheegay xiddiga ay isku wadanka yihiin inuu u arko bedelka ugu haboon ee Cristiano isla markaana xataa No.7-kii uu baneeyay CR7 lagu wareejin karo haddii uu Red Devils kusoo biiro.
Erik ayaa aaminsan in isku dhawaashaha isaga iyo Gakpo iyo inay isku dal kasoo jeedaan ay ka caawin karto inay saxeexiisa ku garaacaan kooxo ay kamid tahay Real Madrid.