Sida lagu sheegay warar cusub oo ka imanaya dalka Brazil, kooxda Liverpool ayaa bixitaan u diiday weeraryahan Roberto Firmino oo kamida xiddigaha sanadaha badan safkeeda muhiimka usoo ahaa.
Il-wareedka ree Brazil ee UOL Esporte ayaa sheegaya in Liverpool ay mid aad muhiim ugu ah qorshaheeda u aragto Bobby Firmino oo ay heshiis kordhintiisa muhiimad weyn siinayaan.
Qandaraaska uu Firmino kula joogo Liverpool ayaa ah mid dhacaya bisha June ee xagaaga dambe, Reds ma doonayaan inay qaab xor ah ku waayaan.
Go’aanka Liverpool ayaa imanaya xilli uu xagaagii ka tagay Sadio Mane oo kamid ahaa saddexleydeedii weerar ee caan-baxay.
Firmino ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda ree Germany ee Hoffeinheim xagaagii 2015, 107 gool ayuu tan iyo wakhtigaas usoo dhaliyay kooxdiisa waxaana kamid ah sagaal gool oo uu xilli ciyaareedkan saxeexay.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in Atletico Madrid oo Wolves ka iibisan Matheus Cunha ay bedelkiisa u aragto ciyaartoy uu Firmino kamid yahay.
Comments