Mishiinka goolasha kooxda Manchester City ayaa jabiyay rekoodh kale isagoo markan dhaafay xog uu Lionel Messi soo samaystay kulamadii ugu horreeyay ee uu Pep Guardiola kahoos ciyaaray.
Haaland ayaa markale laba gool dhaliyay habeen hore xilli kooxdiisa Man City ay guul 3-1 ah kasoo gaadhay Leeds United oo ay Elland Road ku martiday.
Haaland ayaa dhigay rekoodhka ah ciyaartoygii kulamada ugu yar u baahday si uu 25 gool ugu dhaliyo koox Guardiola macalin u yahay isagoo tiradaas goolasha ah kaliya 20 kulan ku gaadhay tartamada oo dhan.
Lionel Messi ayaa hore 25 gool sida ugu dhakhsaha badan ugu soo dhaliyay koox Guardiola isagoo 28 kulan ku sameeyay.
Dhinaca kale Samuel Eto’o ayaa 30 kulan ku gaadhay 25 gool oo koox Pep hoggaaminayo ah halka Sergio Aguero 35 kulan ku sameeyay xilli Theiry Henry 41 kulan u baahday.
Haaland ayaa wakhtigan ah mid waxkasta burburinaya isagoo garab ka helaya xiddigaha ku fiican kubad samaynta ee kooxdiisa Sky Blues.