Iyadoo uu soo baxay warka sheegaya in Real Madrid heshiis aad u qaali ah kula wareegtay da’yarka kooxda Palmeiras ee Endrick ayay Barcelona oo hore u doonaysay haatan diiradeeda dhinac kale u jeedisay.
Barcelona ayaa u dookh bedelatay da’yarka weerarka kooxda Borussia Dortmund ee Youssoufa Moukoko, 18 sano jirkaas ayaa Koobkan aduunka ee socda ku metelay xulka Germany.
Moukoko ayaa xilli ciyaareed aad u fiican ku qaadanaya Dortmund isaga oo lix gool iyo afar caawimo soo diiwaan-gashaday taas oo sahashay in tababare Hansi Flick koobka aduunka u xusho.
Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Moukoko taageere weyn ayuu u yahay Barcelona isagoo ku jeclaaday sababta Lionel Messi, Youssoufa wuxuu doonayaa inuu Barca ku biiro sida warbixinta lagu sheegay balse wuxuu sidoo kale doonayaa ballanqaadyo wakhti ciyaareedkiisa ah.
Heshiiska Youssoufa Moukoko ee Signal Iduna Park ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan, Blaugrana ayaa bilaash kula saxeexan karta balse tartan kala kulmaysa kooxo badan oo Yurub ah.