Booska daafaca midig ayaa ah midka xanuunka ugu weyn ku haya maamulka Barcelona oo si weyn ugu raadjooga ciyaaryahanka ugu haboon ee ay kusoo xoojin karaan.
Barcelona si fiican ayay u garanaysaa meelaha ay ka liidato garoonka dhexdiisa waxaana kamid ah daafaca midig oo ay xiddigo daafac dhexe ah badi xilli ciyaareedkan u adeegsanayeen.
Barca ayaa doorkaas u haysata Hector Bellerin iyo Sergi Roberto balse tababare Xavi Hernandez ma aaminsana wuxuuna ka doorbidayay Ronald Araujo ama Jules Kounde mid ahaan.
Sida uu sheegayo wargeyska Sport, xiddiga booskaas ee ay maamulka Barcelona ka heleen ayaa ah Giovanni Di Lorenzo oo Napoli ka titrsan.
Di Lorenzo ayaa leh waxkasta oo ay daafac midig ku doonayso Barca, maamulka kooxda ayaa madaxweynaha Napoli ee De Laurentiis weydiiyay qiimaha balse waxa uu ka codsaday qiimo aysan dhaqaale ahaan awoodi karin sharci ahaana horyaalka La Liga u diidayo.
Dookhyada kale ee ay Barcelona haysato ayaa ah Juan Foyth oo Villarreal ka tirsan, si lamid ah Di Lorenzo ma haystaan dhaqaale ay kula saxeexdaan.
Si kastaba, labada xiddig ee dhaqaale ahaan macquulka ah ayaa ah Benjamin Pavar iyo Thomas Meunier oo Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ka kala tirsan walow aysan kooxdu ku wada qanacsanayn.