Garabka xulka Belgium ee Eden Hazard ayuu ka yaabsaday saxafi kula sugan Qatar koobka aduunka kaas oo si cad wax uga sheegay miisaankiisa kaddibna weydiistay inuu sawir la galo.
Saxafiga oo aan la magacaabin balse ree Masar ah ayaa weydiiyay Hazard sida uu u cayilay iyo inuu u sheego waxa ku sababay kaddib guuldarradii 2-0 ka ahayd ee dhawaan kasoo gaadhay dhigooda Morocco.
“Waxaanu ogaanay inuu waxyar oo culays ahi kugu kordhay” ayuu yidhi saxafiga ree Masar kaddibna Eden ayaa ku jawaabay isaga oo layaaban “Maku celin kartaa?”.
Markale saxafiga ayaa yidhi “Dhawaan, waxaanu ogaanay inuu culays kugu kordhay, sidee ayaad ula tacaalaysaa maxaase kugu sababay?”
Intaas kaddib Eden oo ay ka muuqato inuusan su’aasha la dhacin ayaa ku jawaabay “Maya, taasi xaqiiqo maaha, miisaankaygu wuxuu ahaa mid xasiloon (Taagan) anigu markasta taam ahaanshahayga si adag ayaan uga shaqeeyaa waxaanan filayaa in midaasi tahay waxa ugu muhiimsan”.
Intaas kaddib wargeyska ree Belgium ee Het Nieuwsblad ayaa sheegaya in saxafigu weydiistay Hazard sawir ay wada galaan balse uu ka diiday 31 sano jirkaasi.
Saxafiga ayaa qaba in Hazard uu miisaan ku kordhay maalmaha kooban ee kasoo wareegay kulankii saaxiibtinimo ee ay koobka aduunka kahor la ciyaareen Masar.