Kabtanka kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaa amaan ugu qubeeyay da’yarka kooxdiisa ee Pablo Gavi kaddib guushoodii Spanish Supercopa ee xalay.
Guul 3-1 ah oo ay magaalada Riyaad kaga gaadheen Real Madrid ayaa ka caawisay hanashada Supercup xilli tababare Xavi Hernandez ku guuleystay koobkiisii ugu horreeyay.
Gavi ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa kulanka ciyaarta kaddib maadaama oo uu bandhig weyn oo saamayn leh sameeyay.
18 sano jirkaas ayaa goolka furitaanka ka dhaliyay Real Madrid kahor inta uusan caawin goolashii Robert Lewandowski iyo Pedri,
Busquets ayaa Gavi ku sifeeyay xayawaan tartame ah kulanka kaddib isagoo sheegay in ciyaartoyda faciisa ah ay wali ku jiraan kuliyadaha da’yarta balse isagu heer sarre joogo.
“Gavi waa xayawaan tartame ah, da’daas badi ciyaartoydu waxay ku jiraan kooxda da’yarta balse isagu halkan ayuu joogaa, wuxuu ka ciyaarayaa heer cajiib ah isagoo goolal dhalinaya caawimooyina bixinaya”.
“Waxaan u sheegi lahaa inuu sii wado inuu wax barto oo wax dhagaysto, waxaan rajaynayaa inuu taariikh kaga tago Barca”.