Kaddib markii ay kooxda reer Sucuudi Carabiya ee Al Nassr ku dhawaaqday heshiiska Cristiano Ronaldo oo xalay lagu soo bandhigay magaalada Riyadh isaga oo ka gudbay tijaabada caafimaadka, Lucy Zelic ayaa si cad uga soo horjeedsaday heshiiskaas, waxaanay ku sheegtay wax laga murugoodo.
Xiddiga reer Portugal ayaa qalinka ku duugay heshiis laba sannadood iyo badh ah oo uu ku xoogsanayo 172 milyan oo Gini sannadkii oo u dhiganta 200 milyan oo Euro, waxaana uu sidaas ku noqonayaa ciyaartoyga ugu mushaharka badan dunida.
37 jirkan ayay Al Nassr xalay usoo bandhigtay warbaahinta, waxaana laacibkan oo iisaguna saxaafadda la hadlay uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in sannado badan oo uu joogay horyaallada Yurub oo uu wax walba kusoo guuleystay kaddib, in uu xiisaynayo inuu khibraddiisa usoo guuriyo qaaradda Asia, isaga oo sidoo kalena amaanay kubadda Sucuudiga oo uu sheegay inay tusaale u tahay wixii ay ka sameeyeen Koobkii Adduunka.
Si kastaba, Lucy Zelic oo ah quruxley falanqeeye ka ahayd telefishanka SBS isla markaana laagu tilmaamo khabiiradda kubadda cagta ee haweenka, ayaa waxay sheegtay inay tahay wax laga murugoodo in Ronaldo waqtigan la siiyo heshiiskan waallida ah.
Qoraal ay soo dhigtay baarteeda bulshada ee Twitter-ka ayay Lucy Zelic ku tidhi: “Aniga tani murugo ayay i gelinaysaa sababo kala duwan dartood.”
Lucy Zelic ma aanay sheegin sababaha ay uga murugoonayso heshiiska Ronaldo uu ugu wareegay Sucuudiga hase yeeshee jamaahiirta kubadda cagta oo qoraalkeeda ka falceliyey ayay qaarkood ku sheegeen in uu xiddigii Portugal isku-rogay ‘calooshiisa u shaqayste’.
This just makes me sad for a variety of reasons.. https://t.co/mcMMUA02KM
— Lucy Zelić (@LucyZelic) December 30, 2022