Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Ciyaaro Caalami

Waa Tuma Kooxda Matasha Falastiin Ee Ka Dheesha Champions League-ga Latin America? Muxuuse Yahay Xiriirkooda Falastiin?

by Saed Mohamed
December 12, 2022
0
Waa Tuma Kooxda Matasha Falastiin Ee Ka Dheesha Champions League-ga Latin America? Muxuuse Yahay Xiriirkooda Falastiin?

Mid ka mid ah kooxaha ugu cajiibsan ee dunida ka dhisan waa koox ka ciyaarta horyaalka ee Chile ee kooxda CD Palestino iyagoo matalaya Falastiin oo ah wadan u jira 13 kun kiilomitir.

ADVERTISEMENT

Laga soo bilaabo 1850meeyadii ilaa bilowgii 1900aadkii dad badan oo Falastiniyiin ah ayaa lagu qasbay inay qaxooti u noqdaan dalalka deriskooda ah sida Jordan iyo Syria.

Laakiin dad badan ma ogsoona xaqiiqda ah in ku dhawaad 500 kun qof oo Falastiiniyiin ah inay  u qaxeen caasimada dalka Chile ee Santiago.

1920meeyadii rag ka tirsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa aas-aasay koox kubada cagta ah iyadoo ujeedkooda uu ahaa in kooxda ay faa’ido u noqoto bulshada qaxootiga Falastiiniyiinta ee halkaas degay.

ADVERTISEMENT

Kooxda Palestino

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Chile waxaa haatan degan mid ka mid ah bulshooyinka ugu balaaran Falastiiniyiinta ee meel ka baxsan Falastiin. Waxaa iyadana xiiso leh in CD Palestino inay tahay kooxda kaliya ee dunida ee ay qaxooti dhiseen.

34 sannadood ka dib kooxda Palestino waxay ku guuleysatay inay gashay wareega guruubyada ee koobka Copa Libertadores oo ah Champions League-ga Latin America.

Waxay sidoo kale ku guuleysteen horyaalka heerka koowaad ee Chile ee Primera Division labo jeer oo kala ah 1955kii iyo 1978kii.

CD Palestino waa wax ka weyn kaliya koox kubadeed waa koox mataleysa bulshada reer Falastiin iyagoo weli aan ilaawin halkii ay ka soo aas-aasmeen.

ADVERTISEMENT

Dhanka kale Falastiin ayaa sidoo kale udub dhexaad ka noqotay Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qatar iyadoo calanka Falastiiniyiinta uu qabsaday garoomada Koobka Adduunka.

Ciyaartoyda iyo taageerayaasha xulka Morocco ayaa si weyn u soo bandhigay calanka Falastiin.

Share329Tweet206
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.