Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Waa No10-kii Ugu Fiicnaa Ee Aan Arko” – Eden Hazard Oo Magacaabay Xiddiga Khadka Dhexe Ee Ka Yaabiyey

by Abdiwahab Ahmed
November 24, 2022
0
UGU DAMBAYN: Real Madrid Oo Go’aankii Mudada Dheer La Sugayay Ka Gaadhay Mustaqbalka Eden Hazard

Xiddiga xulka qaranka Belgium iyo kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa magacaabay kubbad-sameeyihii ugu fiicnaa ee xidhay No.10 ee uu abidkii arko isaga oo ciyaaraya, waana laacib aanu nasiib u yeelanin inuu waligii la kulmo, sidoo kalena aanay iskaga hor imanin garoomada.

ADVERTISEMENT

Eden Hazard oo ka mid ah xiddigaha xulka qaranka Belgium ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka, isla markaana kusoo bilowday ciyaartii Canada ee ay guusha cidhiidhiga ah gaadheen, taas oo uu garoonka ka baxay qaybtii labaad.

Ciyaarta kaddib ayaa waxa xiddiga reer Belgium la weydiiyey ciyaartoyga uu kaga daydo kubadda cagta ee uu rajayn lahaa in uu hal maalin uun la kulmo, waxaana uu markiiba lasoo booday halyeygii reer Argentina ee Riquelme, isaga oo yidhi: “Waxa uu ahaa ciyaartoyga aan ku dayado, waxa uu ahaa 10kii ugu wanaagsanaa ee abid aan arko isaga oo ciyaaraya. Wali lama aanan kulmin, waxaanan rajaynayaa in ay maalin uun dhici doonto. Ciyaartoyda sida Riquelme oo kale ahi waxay ciyaari kari lahaayeenkubadda maanta.”

Eden Hazard oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Riquelme waxa uu ka mid yahay ciyaartoydii ugu wanaagsanaa taariikhda Argentine. Waxa uu ahaa kubbad-sameeye metelay xulkiisa illaa 2008, waxaana 51 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 17 gool iyo 20 uu caawiyey.”

ADVERTISEMENT

Juan Roman Riquelme ayaa usoo ciyaaray kooxaha reer Spain ee Villarreal iyo Barcelona intii u dhaxaysay 2002 illaa 2007, waxaana uu ka  mid ahaa xulkii Koobka Adduunka ee 2006 ee Argentina.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
ADVERTISEMENT
Share425Tweet266
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.